Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gabar Soomaaliyeed oo Feeryahanad iyo Model ah oo ka cabanaysa faquuq.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Gabar Soomaaliyeed oo Feeryahanad iyo Model ah oo ka cabanaysa faquuq.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ramlo Cali oo ah feeryahanad iyo Model ayaa ayaa ka hadashay ficilo Midabtakoor ah oo u soo wajaha si maalinle ah, waxayna rajo ka muujisay inuu dhamado faquuqo, haddii wadajir loola dagaalamo.

31 jirta dagan London oo timid UK, iyadoo ka soo qaxday Somalia waa Haweenaydii ugu horaysay ee Feeryahanad Soomaali ah ee taariikhda ka qayb gashay Tartano.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Ramlo Ali waxay sidoo kale u ololaysaa in la joojiyo Midabtakoorka, sidoo kale waxay qayb ka tahay Ololaha caanka ah ah the Black Lives Matter.

Iyadoo ka hadlaysay sababta ay u wado Ololaha ka dhanka ah Midabtakoorka waxay sheegtay in si maalinle ah ay ugala kulanto faquuq dad aysan garanayn iyo kuwo saaxiibadeed ah.

Ramlo waxay sidoo kale u sheegtay Wargayska ES Magazine inay caqabad kala kulanto Kastamyadda, lana joojiyo, kadibna lagu qasbo in Boorsadeeda oo dhan waxa ku jira ay banaanka u soo bixiso, iyadoo loo  bartilmaameedsanyo midabkeeda, loolana macaamiilayo si ka duwan dadka kale ee aan Madowga ahayn.

Mar ay ka hadlaysay dhacdadii lagu dilay George Floyd ee Maraykanka waaxay tiri: “markaad aragto muuqaaladda sida kii dilkii Floyd waxay kugu abuuraysaa carro xoog leh, maxaa yeelay ma ahan wax hal mar dhacay, way dhacday mar kale iyo mar kale, waxaana muhiim ah in dadka wax la baro.”

Arrinta faquuqa ayaa ah mid ku soo kordhaysa caalamka mudooyinkan, Waxaana dhacay marar badan dad Madow ah loo beegsaday Midabkooda iyo sidoo kale dad loo beegsaday Aaminaadooda Diimeed.

Previous Post

Kenya oo ka digaysa suurtagalnimada weerar argagixisanimo oo ay Al shabaab ka gaystaan Gudaha Dalkeeda.

Next Post

Kulanka Golaha Shacabka B.F.S oo furmay

Next Post
Kulanka Golaha Shacabka B.F.S oo furmay

Kulanka Golaha Shacabka B.F.S oo furmay

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In