Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug iyo Puntland oo heshiis ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda D.F. S iyo Q.M Muqdisho ku gaaray “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Galmudug iyo Puntland oo heshiis ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda D.F. S iyo Q.M Muqdisho ku gaaray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

IB0A6392Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Galmudug, ayaa heshiis saddex qodob ah ka gaaray colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo kaddib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirka lagu soo gabo-gabeenayey colaadda magaalada Gaalkacyo oo soo laalaabatay muddooyinkii u dambeeyey, waxaa marti-galiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ka dhacay madaxtooyada.

Related posts

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026

shirka waxaa joob-joogeyaal ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilka Q.M u fadhiya Soomaaliya Michael Keating.

Madaxweyneyaasha dowlad gobolleedyadaasi Puntland iyo Galmudug, madaxda D.FS iyo Wakiil Q.M ayaa shir saxaafadeed qabtay shirka kaddib.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa fursad weyn ku tilmaamay kulanka lagu soo afjarayey colaadda Gaalkacyo, waxa uu sheegay in saddex qodob lagu heshiisyey oo ah in isu socodka magaalada dib loo soo celiyo, in ciidammo Boliis isku dhaf ah la geeyo iyo in Bisha Feberaayo kulan kale la isugu yimaado si looga hadlayo waxyaabaha ka dhaqan-galay qodobbada lagu heshiiyey.

Madaxweynaha dowlad  gobolleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed, ayaa  guul weyn ku tilmaamay in ciidammada la kala qaado, laguna dedaallo sidii looga wada qeyb-qaadan lahaa dhaqangelinta heshiiska saddexda qodob ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa sheegay in uu rajeynayo in aysan dib u soo laaban colaadda magaalada Gaalkacyo oo hab amni iyo mid siyaasadeedba lagu xalinayo.

Wakiilka Q.M u fadhiya Soomaaliya Michael Cheating, ayaa sheegay in Q.M ay go’an tahay in ay taageerto heshiiskaan colaadda lagu daminayo, shacabka labada dowlad goboleedna uu ugu baaqayo in ay u istaagaan dhaqangelinta nabadda Gaalkacyo.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sannadkaan cusub ee 2017-ka uu ku bilowdey maalin nabaddeed, waxa uu tilmaamay in Gaalkacyo ay Istaraatiiji u yahay dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimna ay tahay in loo wada istaago in la  fuliyo heshiiska hadda la wada gaaray.

Heshiiskaan saddex qodob ah ee Colaadda Gaalkacyo lagu soo afjarayo ayaa haddii uu dhaqangalo bisha labaad ee sannadkaan  waxaa dhici doona kulan kale oo lagu eegayo waxyaabaha ka hirgalay iyo sidii loo sii wadi lahaa nabadda iyo xasiloonida magaalada gaalkacyo.

IB0A6303 IB0A6312 IB0A6392

 

 

Previous Post

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Degmada Hiliwaa

Next Post

Guddiga qaban qaabada doorashadda Guddoonka Baarlamanka oo la magacaabay

Next Post
Dhageyso: Barnaamijka kulanka Todobaadka oo looga hadlay qorshaha baarlamaanka cusub horyaalla

Guddiga qaban qaabada doorashadda Guddoonka Baarlamanka oo la magacaabay

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In