Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo dib u habeyn ku sameyneyso howlaha shaqo ee Garoomada diyaaradaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Garoon diyaaradeed oo laga hirgeliyay degmada Bardaale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gadiidka, Cirka iyo Dhulka ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in la dar dar galin doono howlaha shaqo ee garoomada diyaaradaha ee ku yaala deeganada Galmudug kadib kormeer wafdi uu horkacayo Wasiirka Wasaaradaasi ay ku tageen Qaar ka mida Garoomada Diyaaradaha ee ku yaala magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.

Kormeerkaan oo ujeedkiisu ahaa mid ku saabsanaa uu kuurgalida sida ay usocdaan howlaha shaqo iyo tayada dhismaha Garoomada Diyaaradaha ee Ku yaala deegaanada Galmudug qaarkood ayaa waxaa Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dowladda Galmudug Caabdullaahi Cali Maxamed (C/llaahi Airpor) oo ay wehliyaan xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka mida kuwa wasaaradaasi waxa ay ku tageen Garoonka diyaaradaha OSHACO ee Magaalada Galkacyo iyo Garoonka Diyaaradaha Dagmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii ay kormeerka ku guda jireen waxaa ay warbixino la xariira howlaha shaqo ka dhageeysteen howlwadeenada iyo masuuliyiinta garoomadaasi isagoo sidoo kalana indha indheeyn iyo qiimeeyn ku  ku sameeyay Tayada Garoomadaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale intii ay kormeerkooda ku guda jireen waxa uu wax ka weydiiyay qaar ka mida duuliyayaasha wada diyaaradaha isticmaala garoomadaasi in ay jiraan dhibaatooyin ay kala kulmaanmarka ay kacayaan ama ay dagayaan diyaaradahoodu wadada ay diyaaraduhu ku dagaan kuwaasi oo sheegay in ay jiraan caqabado yar yar oo ubaahan in wax laga qabto maadaama lagu guda jiro xilli roobaad.

Kormeerkaan oo qaatay muddo dhowr maalmood ah ayaa markii usooidlaaday waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay Wasiirka wasaaradaGaadiidka Cirka iyo Dhulka  dowlada Galmudug C/laahi Maxamed Cali (C/llaahi Airpor) waxaana uu faah faahin dheer ka bixiyay ujeedka kormeerkooda iyo qorshayaasha Wasaarada ee ku aadan sare u qaadista howlaha shaqo iyo tayeeynta Garoomada diyaaradaha ku yaala guud ahaan Deegaanada Galmudug waxaana uu sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu hagaajinayo laguna tayeeynayo howlaha shaqo ee garoomada  sidoo kalanaay dayactir ku sameeyn doonaan ka wasaarad ahaan Dhamaan Garoomada Diyaaradaha ee ku yaala Galmudug.

Previous Post

Kulan looga hadlayay iskaashiga bulshada dhexdeeda ah oo lagu qabtay Degmada Heliwaa “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kormeeray garoonka diyaaradaha Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kormeeray garoonka diyaaradaha Baydhabo “SAWIRRO”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kormeeray garoonka diyaaradaha Baydhabo "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In