Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo soo saartay liiska rag Wanted ah oo Sheekh Shaakir uu ku jiro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Galmudug oo soo saartay liiska rag Wanted ah oo Sheekh Shaakir uu ku jiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska booliska Galmudug ayaa caawa soo saaray liiska 36 qof oo lagu raad joogo, kuwaas oo loo heysto hurinta dagaalkii kooxda Ahlu-Sunna ay Dhuusamareeb ku soo qaaday Jimcihii lasoo dhaafay.

Dadka la doon-doonayo waxaa ku jira Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo saraakiil kale.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Madaxda howlgallada booliska Soomaaliya ee ka howlgala Galmudug Dhamme Nuur Cilmi Maxamed oo warbaahinta u akhriyey bayaankii kasoo baxay Taliska booliska ayaa soo bandhigay sawiirada dadka la doon-doonayo.

Dadkaan lasoo bandhigay ee lagu raad joogo ayuu sheegay Taliye Nuur Cilmi inay ku dhuumaaleysanayaan deegaano ka tirsan Galmudug, isagoo bulshada reer Galmudug ka codsaday in dadka ku jira liiskaan ay booliska lasoo socod-siiyaan, si sharciga loo hor keeno.

Sidoo kale dowlad goboleedyada deriska la ah Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa bayaankaan looga codsaday inay ku garab siiyaan maamulka Galmudug, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa xubnahaan.

Saraakiisha ku jirta liiska dadkaan ay Galmudug doon-dooneyso waxaa ka mid ah Sheekh Shaakir Cali Xasan, guddoomiyihii hore ee Dhuusamareeb Cabdullaahi Beentaa, sarkaal sare oo lagu magacaabo Jeneraal Hanbacoor, G/Sare Cabdullahi Raage oo ka tirsanaa jiray ciidanka NISA iyo saraakiil kale.

Hoos ka eeg sawirrada ragga loo aqoonsaday Wanted-ka

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan iyo Wasiir Beyle oo la hadlay Madaxda Hay’adda IMF

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay go’aankii ciidamada ee Joe Biden

Next Post
Sawirro: MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madaxda dowlad goboleedyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aankii ciidamada ee Joe Biden

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In