Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo soo saartay liiska rag Wanted ah oo Sheekh Shaakir uu ku jiro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Galmudug oo soo saartay liiska rag Wanted ah oo Sheekh Shaakir uu ku jiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska booliska Galmudug ayaa caawa soo saaray liiska 36 qof oo lagu raad joogo, kuwaas oo loo heysto hurinta dagaalkii kooxda Ahlu-Sunna ay Dhuusamareeb ku soo qaaday Jimcihii lasoo dhaafay.

Dadka la doon-doonayo waxaa ku jira Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo saraakiil kale.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026

Madaxda howlgallada booliska Soomaaliya ee ka howlgala Galmudug Dhamme Nuur Cilmi Maxamed oo warbaahinta u akhriyey bayaankii kasoo baxay Taliska booliska ayaa soo bandhigay sawiirada dadka la doon-doonayo.

Dadkaan lasoo bandhigay ee lagu raad joogo ayuu sheegay Taliye Nuur Cilmi inay ku dhuumaaleysanayaan deegaano ka tirsan Galmudug, isagoo bulshada reer Galmudug ka codsaday in dadka ku jira liiskaan ay booliska lasoo socod-siiyaan, si sharciga loo hor keeno.

Sidoo kale dowlad goboleedyada deriska la ah Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa bayaankaan looga codsaday inay ku garab siiyaan maamulka Galmudug, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa xubnahaan.

Saraakiisha ku jirta liiska dadkaan ay Galmudug doon-dooneyso waxaa ka mid ah Sheekh Shaakir Cali Xasan, guddoomiyihii hore ee Dhuusamareeb Cabdullaahi Beentaa, sarkaal sare oo lagu magacaabo Jeneraal Hanbacoor, G/Sare Cabdullahi Raage oo ka tirsanaa jiray ciidanka NISA iyo saraakiil kale.

Hoos ka eeg sawirrada ragga loo aqoonsaday Wanted-ka

Previous Post

Madaxweyne Xasan iyo Wasiir Beyle oo la hadlay Madaxda Hay’adda IMF

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay go’aankii ciidamada ee Joe Biden

Next Post
Sawirro: MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madaxda dowlad goboleedyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aankii ciidamada ee Joe Biden

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

Somalia, Sudan Denounce Israel’s “Somaliland” Recognition

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In