Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ganacsatada oo looga digay inay qashinka ku soo daadiyaan waddooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ganacsatada oo looga digay inay qashinka ku soo daadiyaan waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Qeybta Waliyow Cade ee Ciidanka Booliska Maxamed Daahir Cabdullaahi ayaa ganacsatada uga digay inay qashinka ku soo daadiyaan waddada Maka Al-mukarama oo hal bowle u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta xilli uu ku guda jiray howlo kormeer ah ayaa waxa uu sheegay inay jiraan ganacsato xeer ka dhigtay in qashinka ay ku soo daadiyaan afaafka hore ee goobahooda ganacsiga, gaar ahaan kuwa ku yaalla wadada Maka Al-mukarama, waxaana uu ka digay in ciddii lagu hela laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Dhanka kale Afayeenka Maamulka gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa dhankiisa Warbaahinta u sheegay in dowladda Hoose ee Xamar ay kal hore sharciyo ka soo saartay ganacsatada waddada qashinka ku soo daadinaya, isgaoo xusay in dhawaan ay lacag ganaax ah ka qaadeen ganacsato uu ku sheegay inay qeyb ka ahaayeen nadaafad darrida, qaar ka mid ah waddooyinka caasimadda.

Shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolka ayaa habeen iyo maalin waxa ay ku howlanyihiin bilic soo celinta caasimadda, kuwaasi oo aad ku arkeyso iyaga oo qashinka na nadiifinaya waddooyinka waa weyn ee caasimadda, xilli ay jiraan shaqsiyaad caadeystay in qashinka ay soo dhigaan bartamaha faras magaalada.

Previous Post

Madaxweynaha: “Soomaaliya waxay saddexdii sanno ee la soo dhaafey guulo waaweyn ka soo hoysey dagaalka ka dhanka ah argagixisada”

Next Post

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay baaqa Djibouti ee martigelinta iyo qabashada shir madaxeed caalami ah

Next Post
Madaxweynaha oo soo dhoweeyay baaqa Djibouti ee martigelinta iyo qabashada shir madaxeed caalami ah

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay baaqa Djibouti ee martigelinta iyo qabashada shir madaxeed caalami ah

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In