Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gariigga oo shuruudo hordhigay  wada hadallo ay la yeshaan Turkiga.

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Gariigga oo shuruudo hordhigay  wada hadallo ay la yeshaan Turkiga.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Gariigga Kyriakos Mitsotakis wuxuu laba warqadood oo isku mid ah u diray golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay iyo Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay, si ay wax looga qabto dhibaata uu sheegay in Turkiga  uu ka wado Bariga Mediterranean-ka, xili dhawaan Ankara ay ku dhawaaqday in Athens ay diiday inay kala xaajooto xiisadda Badda Mediterranean-ka isla markaana aysan ka jawaabin dalab la xiriiray wada hadallo ku saabsan Biyaha Mediterranean-ka.

Ra’iisul wasaare Kyriakos dhankiisa wuxuu caddeeyay in wada xaajoodka uu ka horeeyo in la joojiyo waxa uu ku tilmaamay ficillada daandaansiga ah ee uu wado Turkiga, wuxuuna intaa raaciyay in waddankiisa uu weli ku adkeysanayo in khilaafaadka si nabad ah lagu xaliyo, isla markaana  dhankooda ay diyaar u yahiin in uu dib u billawdo wadahadalkii uu la lahaa Turkiga lagana billaabo meeshii uu istaagay bishii Maarso 2016.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Sidookale waxuu sheegay Kyriakos Mitsotakis in ugu horeeyn Turkiga uu joojiyo dhaq dhaqaaq kasta oo sharci darro ah oo ku saabsan bariga Badda Mediterranean-ka, lagana fogaado hadalada xanafta leh iyo ficillada daandaansiga ah ee hortaagan wadahadalada.

Ra’iisul Wasaaraha Gariiga wuxuu ku cadeeyay  labadiisa fariin ee uu diray in Turkiga uu ku dhaqmayo ficillo daandaasi ah tan iyo bishii Luulyo ee la soo dhaafay, isaga oo carabka ku adkeeyay in arrinkan khatar aan hore loo arag ku yahay madaxbanaanida Gariigga, iyo sidoo kale nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Dhinaca kale, Turkiga ayaa maanta ku dhawaaqay in Gariigg  uu diiday in uu kala xaajoodo arrimaha badda Mediterraneanka, wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in dalkiisa uu horay u muujiyey in uu diyaar u yahay wadahadalada, laakiin Gariigga aanu ka jawaabin baqaas.

Geesta kala Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay fududaynta taabba galinta wada hadallo dhexmara Gariigga iyo Turkiga, si loo raadiyo xal waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Mar sii horeysay Ururka Isbahaysiga Waqooyiga Atlantic (NATO) – oo ay ku wada jiraan Turkiga iyo Gariiga ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabi doonaan wada hadallo nabadeed oo u dhaxeeya labadan dal, laakiin Athens ayaa  sheegtay inaysan wadahada ay hortaagantahay Ankara

Previous Post

Xeer ilaaliye gaar ah oo loo magacaabay baarista dilalka wariyaasha iyo tacadiyada loo gaystay

Next Post

Qarax lagu dhaawacay Madaxweyne ku xigeenka Afgaanistaan oo ka dhacay Kaabuul

Next Post
Qarax lagu dhaawacay Madaxweyne ku xigeenka Afgaanistaan oo ka dhacay Kaabuul

Qarax lagu dhaawacay Madaxweyne ku xigeenka Afgaanistaan oo ka dhacay Kaabuul

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In