Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gariigga oo shuruudo hordhigay  wada hadallo ay la yeshaan Turkiga.

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Gariigga oo shuruudo hordhigay  wada hadallo ay la yeshaan Turkiga.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Gariigga Kyriakos Mitsotakis wuxuu laba warqadood oo isku mid ah u diray golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay iyo Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay, si ay wax looga qabto dhibaata uu sheegay in Turkiga  uu ka wado Bariga Mediterranean-ka, xili dhawaan Ankara ay ku dhawaaqday in Athens ay diiday inay kala xaajooto xiisadda Badda Mediterranean-ka isla markaana aysan ka jawaabin dalab la xiriiray wada hadallo ku saabsan Biyaha Mediterranean-ka.

Ra’iisul wasaare Kyriakos dhankiisa wuxuu caddeeyay in wada xaajoodka uu ka horeeyo in la joojiyo waxa uu ku tilmaamay ficillada daandaansiga ah ee uu wado Turkiga, wuxuuna intaa raaciyay in waddankiisa uu weli ku adkeysanayo in khilaafaadka si nabad ah lagu xaliyo, isla markaana  dhankooda ay diyaar u yahiin in uu dib u billawdo wadahadalkii uu la lahaa Turkiga lagana billaabo meeshii uu istaagay bishii Maarso 2016.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Sidookale waxuu sheegay Kyriakos Mitsotakis in ugu horeeyn Turkiga uu joojiyo dhaq dhaqaaq kasta oo sharci darro ah oo ku saabsan bariga Badda Mediterranean-ka, lagana fogaado hadalada xanafta leh iyo ficillada daandaansiga ah ee hortaagan wadahadalada.

Ra’iisul Wasaaraha Gariiga wuxuu ku cadeeyay  labadiisa fariin ee uu diray in Turkiga uu ku dhaqmayo ficillo daandaasi ah tan iyo bishii Luulyo ee la soo dhaafay, isaga oo carabka ku adkeeyay in arrinkan khatar aan hore loo arag ku yahay madaxbanaanida Gariigga, iyo sidoo kale nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Dhinaca kale, Turkiga ayaa maanta ku dhawaaqay in Gariigg  uu diiday in uu kala xaajoodo arrimaha badda Mediterraneanka, wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in dalkiisa uu horay u muujiyey in uu diyaar u yahay wadahadalada, laakiin Gariigga aanu ka jawaabin baqaas.

Geesta kala Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay fududaynta taabba galinta wada hadallo dhexmara Gariigga iyo Turkiga, si loo raadiyo xal waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Mar sii horeysay Ururka Isbahaysiga Waqooyiga Atlantic (NATO) – oo ay ku wada jiraan Turkiga iyo Gariiga ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabi doonaan wada hadallo nabadeed oo u dhaxeeya labadan dal, laakiin Athens ayaa  sheegtay inaysan wadahada ay hortaagantahay Ankara

Previous Post

Xeer ilaaliye gaar ah oo loo magacaabay baarista dilalka wariyaasha iyo tacadiyada loo gaystay

Next Post

Qarax lagu dhaawacay Madaxweyne ku xigeenka Afgaanistaan oo ka dhacay Kaabuul

Next Post
Qarax lagu dhaawacay Madaxweyne ku xigeenka Afgaanistaan oo ka dhacay Kaabuul

Qarax lagu dhaawacay Madaxweyne ku xigeenka Afgaanistaan oo ka dhacay Kaabuul

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In