Monday, February 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Garoon diyaaradeed casri ah, ugana weyn adduunka oo Shiinaha meel-geba gebo u maraya dhismihiisa (War-bixin faah-faahsan)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Barnaamijyada, Maqaallo, Wararka, Xulashada
0
Garoon diyaaradeed casri ah, ugana weyn adduunka oo Shiinaha meel-geba gebo u maraya dhismihiisa (War-bixin faah-faahsan)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
  • 25-kii bishii April ee sanadkan ayaan booqday ‘Garoonka Caalamiga ah ee Beijing Daxing’ oo bartamaha magaalada uga beegan dhanka koofur 47 km, kaasi oo ku fadhiya  dhul dhan 150 KM Square, waxa uuna dhismihiisa soo bilowday December 26, 2014-kii, weli dhismaha ayaa socda balse isla sanadkan ayuu hawl-bilaabayaa.

Garoonkan oo la filayo in dhismihiisa la soo gaba-gabeeyo bisha June 30-keeda, uuna hawl-galo September 30-keeda isla sannadkan 2019-ka, bal aan ka bixiyo sharaxaad intaa dheer oo faah-faahsan.

Gudaha Garoonka(Maxamed Cisman/SONNA)

Dhismaha garoonka iyo waxa uu leeyahay

Related posts

Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.

Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.

February 16, 2026
𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 (𝐃𝐫𝐚𝐢𝐧𝐚𝐠𝐞 𝐬𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦) 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 Aadan Cadde oo la qabtay.

𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 (𝐃𝐫𝐚𝐢𝐧𝐚𝐠𝐞 𝐬𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦) 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 Aadan Cadde oo la qabtay.

February 16, 2026

Marka laga soo tago sida casrisan ee loo dhisayo iyo baaxadiisaba, waa Mashruuc hiigsanayo inuu maareeyo in ka badan 100 milyan oo rakaab ah sanadkiiba, waxana dhisan oo hadda uu ku fadhiya 45 Square kilometers, waa  dhismaha kaliya,wuxuu yeelanaya 6-meel oo ay diyaaraduhu ka kacaan am ay ka soo degaan, waxana wajiga hore oo ku beegan 2025-ta la filay sanadkaas inuu qaabilo rakaab dhan 72 milyan, waxa ayna ku darayaan ama dhisayaan 4 run-ways kale.

Waxyaabaha hadda dhisan oo la ii sheegay waxa ku jira 700’000 terminal ah oo ku fadhiya dhul baaxadiisa tahay 27 Square kilometers, waxa uu leeyahay adeeg sahlaya socodka waxana kamida 3 nooc khadad tareen ah, kuwa dheeraya ah, dhul hoostiisa ha mareen ama banaanka, waxa qofka rakaab la filay inuu socda masafo gaban..sida looga fakarayo awgeed, waxa uuna helaya adeeg walba oo internet iyo technology-daha kale adeegooda ah dhan.

Yi Wei, Maareye xigeenka Waaxda Qorsheynta iyo Naqshadeynta Mashruca Dhismaha ‘Garoonka Beijing Daxing International Airport’ ayaa ii sheegay in ay ku hawl-galayaan tilmaamo cad-cad iyo shuruudo ku aadan tayada dhismaha eeraboorka oo  uu siiyey Madaxweynaha dalka, Xi Jinping, taasi oo ah biyo-kama dhib-caan.

Qarashka ku baxaya Garoonka iyo ujeedka laga leeyahay

Waxa ku baxaya  adduun lacageed oo ka badan 200 Biyan RMB oo lacagta dalka Shiinaha ah, ujeedada laga leeyahay waa inuu noqdo marin caalami ah(International hub), waxaana jira qorsha lagu hormarinayo garoonka kale ee caalamiga ah ee caasimada Beijing ku magacaban(Beijing Capital International Airport), taasi ka dhigan in magaalada yeelanayso laba eeraboor oo caalami ah. Waxaa sidoo kale ay magaalada u diyaar garobeysaa qabashada ciyaaraha Olompikada oo la qabanayo 2022, halkaan ayaa la filaa in marin u noqota ka qayb-galayaasha ciyaarahaas.

Qoraga War-bixinta, M. Cisman oo wareysi ku jira(Cali C/raxman/SONNA)
Qoraga War-bixinta, M. Cisman oo wareysi ku jira(Cali C/raxman/SONNA)

Dareenkayga  iyo Gunaanud

Booqashadaydu garoonkan waxa ay ku beegnayd xili ay magaalada isu diyaarisay marti-gelinta laba shir oo caalami ah, mid waxa uu ahaa ‘Shirka iskaashiga dhanka kaabayaasha Dhaqaalaha(BRF) oo 38 dal, 150 wakiilo, ururo caalami ah iyo ka qayb-galayaan ku dhaw 5000 joogeen iyo bandhig carwo oo caalami ah ee dhanka waxyaabaha il-doogsiga leh ee bay’ada la xiriirta(Beijing International Horticultural Expo) oo isna in kabadan 110 dal ka qayb-galayaan iyo ururo caalami kaas oo dhawr bilood socon doona.

Iska daa Shaqada xoogan ee dhismo , alxan, dhir lagu biirayo daaro dabaqyo ah dushooda, iyo hir-gelilnta adeegyo badan oo ka socotay garoonka xilliga aan booqanayey , waxaa sidoo kale aad looga beerayey dhir dhul aan yareen oo u dhaxeeya magaalada iyo garoonka, meel banaan oo cidla ah oo aan shaqo ka socon ma jirin, beero si casri ah wax looga beeraya baa ku yaala,ama geedo waa-weyn baa lagu beeraya oo rag iyo dumar ku jira shaqada ama wadooyin cusub ayaa dhismo ka socday.

Markaan garoonka tagay oo dhankesta ka fiiriyey, mise ma ahan wax isheydu wada qabato, shan-qarta dhismo ayaa socota, waxa laga garan karaa koofiyada aan wato oo aan koox wariye-yaal iyo mas’uuliyiintaba  ku nahay xiran, ‘ Waxan is dhahay waxan garoon diyaaradeed ka weyne, ma qorshe magaaleyn baa ka socda(City planning), oo dad magaalo kale degan maa halkan loo dhisaya oo la soo dejinayaa, si shaqo hormarin looga qabto toodii ay deganayeen….marba waxbaan ku tilmaamayey…markii dambe waxaa ii soo baxday oo aan dareemay macnaha dawladnimo  iyo riyada hogaanka san uu u horseedo  ama uga rumeeyo shacabkiisa.

W/D: Maxamed Cisman Cabdi “ Black Cobra”

E-mail: [email protected]  

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo maalintii 5aad Guddoominaya Shirka Wadatashiga DFS, Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir “SAWIRRO”

Next Post

Wasiir Shaqada iyo safiirka Talyaaniga oo Muqdisho ku kala saxiixday labo heshiis oo muhiim ah

Next Post
Wasiir Shaqada iyo safiirka Talyaaniga oo Muqdisho ku kala saxiixday labo heshiis oo muhiim ah

Wasiir Shaqada iyo safiirka Talyaaniga oo Muqdisho ku kala saxiixday labo heshiis oo muhiim ah

Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.

Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.

February 16, 2026
0

Dowladda Turkiga ayaa waxaa shalay laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal...

𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 (𝐃𝐫𝐚𝐢𝐧𝐚𝐠𝐞 𝐬𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦) 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 Aadan Cadde oo la qabtay.

𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 (𝐃𝐫𝐚𝐢𝐧𝐚𝐠𝐞 𝐬𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦) 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 Aadan Cadde oo la qabtay.

February 16, 2026
0

Shirka waxaa shir-guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Gaadiidka iyo Duulista hawada XFS Mudane Cumar Cali Afrax, waxaana ku wehlinayay Maareeyaha...

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

February 16, 2026
0

Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay munaasabad mahadnaq iyo soo dhaweyn isugu jirta oo loo sameeyay Danjire Elyaas Barre Shiil, kaddib...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

February 16, 2026
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.  ...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In