Munaasabad dib loogu furayo garoonka Diyaaradaha ee magaalada Berbera oo dib-u-dhis balaaran iyo qalabayn casri ah lagu sameeyey ayaa maanta ka qabsoontay Berbera.
Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Xadhiga ka Jaray garoonkan caalamiga ah ee Berbera International Airport.
Garoonkan ayaa shaqeyn doona 24 saac maalin kasta sida uu sheegay Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi.