Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Garoonka Diyaaradaha Xudur Oo Ay Weli Ka Socoto Howlo Dib Loogu Habeynayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Garoonka Diyaaradaha Xudur Oo Ay Weli Ka Socoto Howlo Dib Loogu Habeynayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Xudur iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa olole isxil-qaan ah oo lagu xaqiijinayo bilicda iyo badqabka diyaaradaha duulimaadyada sameeya ka wada garoonka diyaarada ee Degmada Xudur.

Howlahaan isxilqaanka ah ee ka socda garoonka diyaaradaha Degmada Xudur oo maalintii sedexaad galaya waxa si wada jir ah uga qeyb qaadanaya maamulka Degmada Xudur ee Gobolka, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Wakiilada shirkadaha diyaaradaha iyo bulshada reer Xudur oo ku deeqay qalabka la isticmaalayo.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Garoonka waxa laga aruurinayaa dhagxaan waa weyn oo diyaaradaha xamuulka qaada ay cabasho ka keeneen isticmaalkiisa, waxana socda dardar gelin ku aadan in aysan hakad gelin adeega bulshada ee isticmaalka diyaaradaha garoonka Xudur.

Wakiilka shirkada diyaarada Salaama Cali Karyare ayaa sheegey in shaqo badan oo laga qabtay garoonka uu ku rajo weyn yahay in diyaaradaha sidii caadiga aheyd u isticmaali karaan.

“Qalabka lagu hagaajinayo garoonka ma ahan makiinado iyo qalabkii loogu tala galay ee waa agab bulshada ku deegday oo dadka murug maalka ah ay isticmaalaan”. Ayuu yiri Caoli Karyare.

Maareeyaha Garoonka Degmada Xudur Cabdullaahi Aadan ayaa bulshada ugu baaqay in ay kala qeyb qaataan ololaha isxilqaanka ah ee dib loogu habeynayo garoonka diyaaradaha magaalada Xudur.

Bulshada magaalada Xudur ayaa u arka shaqada ka socta garoonka diyaaradaha in ay tahay howlo aad muhiim u ah, Agaasimaha Madaxtooyada Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Cumar Cabdullaahi Atuu ayaa bulshada ku amaanay sida ay uga qeyb qaadanayaan howlaha isxilqaan ee lagu dhisayo goobaha danta guud ee bulshada loogu adeego.

“Waxaa kala xiran wadooyinka soo gala Gobolka Bakool iyo kuwa isku xira Degmooyinka, garoonka diyaaradaha waa wadada keliya ee u furan degmada Xudur ee Gobolka Bakool hadii diyaaradaha ay ku degi waayaan waa caqabad horleh oo soo wajahday bulshada Gobolka, waa hadii si dhaqso ah wax looga qaban waayo garoonka”.ayuu yiri Cumar Cabdullaahi

Previous Post

Shir looga hadlayay qoondada haweenka ee golaha deegaanka oo lagu qabtay Gaalkacyo+Sawirro

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada Oo Qorsheyneyso Dhismaha Xarun Cusub “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada Oo Qorsheyneyso Dhismaha Xarun Cusub “SAWIRRO”

Wasaaradda Waxbarashada Oo Qorsheyneyso Dhismaha Xarun Cusub “SAWIRRO”

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In