Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen shacab ay haysteen oon iyo haraad ba’an, kuwaas oo ku sugan deegaanno hoos taga magaalada Xarardheere ee Koonfurta Gobolka Mudug.
Tallaabadan ayaa ujeedkeedu ahaa badbaadinta nolosha dadka ay saameeyeen abaarta iyo biyo la’aanta, iyadoo ciidamadu ay si toos ah u gaarsiiyeen biyaha deegaannada ay xaaladaha adag ka jiraan.
Taliyeyaasha Ururka 3-aad ee Guutada 17-aad iyo Ururka 6-aad ee Guutada 18-aad ee Qeybta Kowaad Kumaandooska Gorgor, Dhamme Abuukar Mukhtaar Maxamed (Beergeele) iyo Dhamme Mowliid Maxamuud Xuseen, ayaa sheegay in gargaar bixintani ay tahay waajib Qaran oo saaran Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo xusay in ciidanku mar walba u taagan yihiin difaaca, daryeelka iyo garab-istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada adag.











