Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Go’aamo ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Go’aamo ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii Golaha Wasiirada ee aan caadiga ahayn ee socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, oo uu shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, laguna Casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo loogu kuur-geliyey xaaladda amni ee dalku hadda ku sugan yahay.

Waxaa la isku raacay baahida loo qabo in hoos loo daadajiyo sugidda amniga dalka, sidii ay horeba u ahaan jirtey iyo in fursad loo siiyo Shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin mugleh ka qaataan sugidda amniga, loona helo isla xisaabtan dhab ah,waxaana la go’aamiyey;

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

1.Waxaa dajiyey qorshe dhamaystiran oo lagu sugayo amniga iyo nabad-gelyada guud ahaan dalka, gaar ahaana magaallo madaxda dalka ee Muqdisho.

2.In Talisyada Ciidamadda Nabad gelyada ee Booliska iyo Nabad-sugidda ee heer gobol, fadhigooduna yahay Gobolka Banaadir (Muqdisho) ay si toos ah ula shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo ku howl galaya awaamiirta iyo tilmaamaha maamulku ku sugayo Nabad-gelyada iyo Amniga magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

3.Si loo fuliyo qoshaha Nabadeynta iyo Xasalinta guud ahaan dalka, gaar ahaan Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, waxaa la mamnuucay;

  • In Ciidan aan ka tirsanayn ciidanka loo qoondeeyey degmo kasta, aanay wax hub ah oo aan shaqo la og yahay ku jirin lala dhex-mari karin degmooyinka Gobolka Banaadir.
  • In Ciidamadda ay wataan Wasiirada, Xildhibaanada iyo madaxda kale ee dawladda ay sitaan aqoonsi u gaar ah.
  • In Ciidamadda iyo Hubka ay leeyihiin shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay ay iska diiwaan geliyaan Wasaaadda Amniga Gudaha, haddii ay wax dhaq-dhaqaaqa sameynayaana ku wargeliyaan maamulka degmada ay ka baxayaan iyo degmada ay tagaaan.
  • Guud ahaan dalka, waxaa reebay haysashada hub sharci darro ah oo aan ka diiwaan gashanayn Wasaaradda Amniga.
  • Golaha Wasiirradu waxay isla garteen in dib-u-dejin loo sameeyo Barakacayaasha, iyadoo lala kaashanayo Hay’adaha Caalamiga ah, si ay uga qeyb qaataan horumarka iyo Nabad-gelyada dalka.

Baaq

Waxaa loogu baaqayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, in ay taageeraan, gacanna ka geystaan qorshaha dawladdu ku sugeyso amniga iyo xasilinta dalka.

1 2

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Ciidamada GalMudug oo Al-Shabaab ka saaray agagaarka Caad & Ceel-Cabd+Warsaxaafadeed

Next Post

Ciidamada GalMudug oo Al-Shabaab ka saaray agagaarka Caad & Ceel-Cabd+Warsaxaafadeed

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In