Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Golaha Aqalka Sare oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankii 28-aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta oo ajandihiiusa ahaa Akhrinta 2aad ee Hindise- Sharciyeedka Howlgabnimada, ayaa waxaa shir guddoominayay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Moowlid Xuseen Guhaad.

Fadhiga  Golaha Aqalka Sare waxaa ku sugnaa Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa Golaha ka hor Akhriyay Hindise- Sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Senatorada qaarkood ayaa su’aalo weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo kuwa kalana fikir ku aadan da’da ciidanka iyo xaqsiintooda u gudbiyay Wasiirka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa su’aalaha ka jawaabay, isagoo dhinaca kale sheegay in uu qaadan doono afkaarta iyo tallooyinka ay Xildhibaannada qaar soo gudbiyeen.

Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmad oo fadhiga soo xiray ayaa sheegay in guddiga Difaaca Aqalka Sare uu uga mahadcelinayo sida fiican ay ula shaqeeyeen.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo sharxay muhiimadda ay argagixisadu u lahayd deegaanka Toorotoorow

Next Post

Fursado Shaqo: Ministry of Justice & Judicial Affairs

Next Post

Fursado Shaqo: Ministry of Justice & Judicial Affairs

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In