Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Isutaga Jaamacadaha oo lagaga dhawaaqay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay Golaha Isutaga Jaamacadaha Somaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin inta badan Jaamacaha, waxaana ka qeybgalay munaasabadaasi Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Somaaliya, Masuul katirsan Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, Gudoomiyaha Degmada Hodan iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Isutaga Jaamacadaha Somaaliyeed Prof Maxamed Xasan oo ugu horeyn munaasabadda ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta Golaha uu si rasmi ah u shaqeyn doono, isla markaana ujeedkooda uu yahay in la mideeyo Jaamacadaha dalka ka jira.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Madashani waxaanu dooneynaa inaa daahfurno Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed oo mudo dheer ka fikerayay in la mideeyo waxbarashada sare, iyagoo kaashanaya daladaha dalka ka jira sidaa ogtihiin waxbarashadu waxay sharaf ku leedahay inay mideysan tahay, burburkii kadib in la midoobo waa wax fiican oo hormar ah” ayuu yiri Maxamed Xasan.

Agaasimaha waaaxda Jaamacadaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Bashiir Maxamed Jimcaale ayaa balanqaaday in Wasaaradda Waxbarashada ay garab istaagi doonto Golaha maanta loogu dhawaaqay, isagoo ku booriyay in laga qeyb geliyo dhamaan Jaamacadaha dalka.

“Awal waa ku dhibtoon jirnay Jaamacadaha meel aan kala xiriirno, maanta waxaa farxad noo ah inaan helno hal meel oo aan kala xiriirno, anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Waxbarashada waxaan idiin balanqaadayaa inaan shahaado qiimo badan idiin siin doono”ayuu yiri Bashiir.

Xildhibaan Maxamd Cumar Dalxa oo ka mdi ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabdda lagu daahfurayay Golaha Isutaga Jaamacadaha dalka ayaa kula dardaarmay madaxda Golahan in Gobolada dalka lagu balaariyo tacliinta sare, si ardayda ay fursad ugu helaan in gobollada ay joogaan ay ka heli karaan waxbarasho Jaamacadeed.

“Waxbarashadiina waxa ay kusoo koobantay caasimadda oo ay saxmad ka jirto oo dhinaca Jaamacadaha iyo iskuulada, duruufahaan sababtay waa ognahay laakiin mustaqbalka waxaan rabnaa in Golaha Isutaga Jaamacadaha ay isku balaariyaan si ay tacliintii u wada gaarsiiyaan ilaa tuulada, waayo jahliga ayaa sabab u ah dhibaatada dalkeena uu kujiro” ayuu yiri Prof Dalxa.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In