Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Isutaga Jaamacadaha oo lagaga dhawaaqay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay Golaha Isutaga Jaamacadaha Somaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin inta badan Jaamacaha, waxaana ka qeybgalay munaasabadaasi Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Somaaliya, Masuul katirsan Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, Gudoomiyaha Degmada Hodan iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Isutaga Jaamacadaha Somaaliyeed Prof Maxamed Xasan oo ugu horeyn munaasabadda ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta Golaha uu si rasmi ah u shaqeyn doono, isla markaana ujeedkooda uu yahay in la mideeyo Jaamacadaha dalka ka jira.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

“Madashani waxaanu dooneynaa inaa daahfurno Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed oo mudo dheer ka fikerayay in la mideeyo waxbarashada sare, iyagoo kaashanaya daladaha dalka ka jira sidaa ogtihiin waxbarashadu waxay sharaf ku leedahay inay mideysan tahay, burburkii kadib in la midoobo waa wax fiican oo hormar ah” ayuu yiri Maxamed Xasan.

Agaasimaha waaaxda Jaamacadaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Bashiir Maxamed Jimcaale ayaa balanqaaday in Wasaaradda Waxbarashada ay garab istaagi doonto Golaha maanta loogu dhawaaqay, isagoo ku booriyay in laga qeyb geliyo dhamaan Jaamacadaha dalka.

“Awal waa ku dhibtoon jirnay Jaamacadaha meel aan kala xiriirno, maanta waxaa farxad noo ah inaan helno hal meel oo aan kala xiriirno, anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Waxbarashada waxaan idiin balanqaadayaa inaan shahaado qiimo badan idiin siin doono”ayuu yiri Bashiir.

Xildhibaan Maxamd Cumar Dalxa oo ka mdi ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabdda lagu daahfurayay Golaha Isutaga Jaamacadaha dalka ayaa kula dardaarmay madaxda Golahan in Gobolada dalka lagu balaariyo tacliinta sare, si ardayda ay fursad ugu helaan in gobollada ay joogaan ay ka heli karaan waxbarasho Jaamacadeed.

“Waxbarashadiina waxa ay kusoo koobantay caasimadda oo ay saxmad ka jirto oo dhinaca Jaamacadaha iyo iskuulada, duruufahaan sababtay waa ognahay laakiin mustaqbalka waxaan rabnaa in Golaha Isutaga Jaamacadaha ay isku balaariyaan si ay tacliintii u wada gaarsiiyaan ilaa tuulada, waayo jahliga ayaa sabab u ah dhibaatada dalkeena uu kujiro” ayuu yiri Prof Dalxa.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In