Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo laga codsaday inay wax ka qabato dhibka lagu hayo Soomaalida ku nool K/Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo laga codsaday inay wax ka qabato dhibka lagu hayo Soomaalida ku nool K/Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha qurba joogta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka wax ka qabato dhibaatooyinka lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika.

Qurba joogta Soomaaliyeed ee ku sugan Wadamada caalamka oo ka hadlayay qalalaasaha hadda ka taagan Wadanka Koonfur Afrika ee looga soo horjeedo dadka ajaabniibta ah oo ay Soomaalidu qeyb ka tahay ayaa camabareeyay dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed oo ganacsato u badan loogu geysto dalkaasi.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha Qurba Joogta Soomaaliyeed ee caalamka ayaa lagu sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay yihiin dadka jecely nabada iyo dowladnimada, isla markaana dhibaatooyinka hadda ka jira wadanka Koonfur Afrika ay iyagu saameyn weyn ku yeelaneyso, iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamay weerarada joogtada ah ee dadka Koonfur Afrikaanka ah ay ku hayaan nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed ee dalkaaasi ku nool.

Golahan ayaa sheegay in tani ay kasoo horjeedo xuquuqda aadanaha, isla markaana loo baahanyahay in caaalamka uu soo fara geliyo si loo yareeyo dhibaatada hadda socota, dadka geysanayana cadaalada la horkeeno.

War-saxaafadeedkan ayaa looga hadlay waqtigii adkaa oo ay dadka iyo dalka Koonfur Afrika ay soo mareen iyo kaalintii dadka Soomaaliyeed ay ka soo qaateen is garab istaaga reer Kooonfur Afrika, hadana loo baahanyahay in ay ilaaliso xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan.

Cabdi Xariir Baaruud oo ah Agaasimaha Golaha Qurba Joogta Soomaaliyeed oo isagoo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska oo u waramay Radio Muqdsho ayaa ka codsaday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay wax ka qabato dhibaatada gurucan ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ku nool.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo Shabaab ku dhexmaray Gobolka Hiiraan

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo Shabaab ku dhexmaray Gobolka Hiiraan

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In