Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Shacabka JFS oo Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka.

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Golaha Shacabka JFS oo Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ajendaha kulanka guud ee golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka,Qeybinta iyo wax ka bedelka Sharciga siyaasada maareynta Maaliyadda ee Dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa golaha ka hor akhriyay baaqa golaha shacabka ee ku aadan dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah Gobolka Sool, isaggoo dadka walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalamaya ugu baaqay in wax walba ay ku dhameeyaan wada hadal.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada in ay ka qeyb qaataan xalinta colaadaasi.

Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa golaha faah faahin ka siiyay wax ka bedelka uu kusoo sameeyay Hindise sharciyeeedka Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka,wuxuuna guddiga golaha uu ka codsaday inuu hindise sharciyeedkaan uu ansixiyo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa talooyinkooda ku biiriyay hindise sharciyeedkaan, Waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu sheegay in dooda ku saabsan Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka lagu sii amba qaadi doono kulanka kan xigga.

Previous Post

Duqa Muqdisho iyo dhiggiisa magaaladda Boosaaso oo ka wada hadlay Iskaashiga labada Magaalo “Sawirro”

Next Post

Guddiga loo xilsaaray dib u dhiska Matxafka Qaranka oo dadka halkaasi degan mar kale ugu celiyey inay ka guuraan dhismahaasi “Sawirro”

Next Post
Guddiga loo xilsaaray dib u dhiska Matxafka Qaranka oo dadka halkaasi degan mar kale ugu celiyey inay ka guuraan dhismahaasi “Sawirro”

Guddiga loo xilsaaray dib u dhiska Matxafka Qaranka oo dadka halkaasi degan mar kale ugu celiyey inay ka guuraan dhismahaasi “Sawirro”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In