Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Shacabka oo Ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Golaha Shacabka oo Ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa tobanaad,waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 143-xildhibaan waxaa ugu horeyn shir guddoonka kulanka uu xildhibaanadda u sheegay in guddoonka uu haayo mooshin ama soo jeedin ay xildhibaano golaha ka tirsan u gudbiyeen,kaasoo ujeedkiisu yahay ku daris qodobo muhiim ah xeerka shaqada Soomaaliya,waxaana mooshinka golaha u akhriyay Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gamaadiid oo ka tirsan xildhibaanka mooshinka saxiixay.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

intaasi ka dib soo jeedinta xildhibaanadda ayaa mooshinka lagu daray,waxaana xildhibaanadda golaha shacabka ay cod u qaadeen hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya,waxaana ogolaatay 138-xildhibaan,afar xildhibaan ayaa diiday halka hal xildhibaanna uu ka aamusay sida uu sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhawaaqay.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay guddiga hindise sharciyeedka maanta la ansixiyay kasoo shaqeeyay iyo xildhibaanadda golaha shacabka ee maanta ansixiyay.

Previous Post

Wiisiirka Awqaafta Soomaaliya oo ka qeygalay shirka 9aad ee Wasaaradaha Arrimaha Islaamka 

Next Post

Wasiirka Amniga Gudaha oo tababar u soo xiray cutubyo ka mid ah Ciidanka Booliska

Next Post

Wasiirka Amniga Gudaha oo tababar u soo xiray cutubyo ka mid ah Ciidanka Booliska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In