Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ay soo gudbisay, waxaana ogolaatay 140 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, cid ka aamustay ma jirin.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare XFS Faarax Cabdulqaadir ayaa Golaha Shacab BJFS uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka.