Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Shacabka oo maanta ka dooday Go’aankii Xukuumadda Soomaaliya.

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Gudiga joogtada ah ee golaha shacabka oo maanta shiray kana hadlay go’aanki xukuumadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026

Kulankaan oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaraai, ayaa ajandahiisu   waxa uu ahaa Qeybinta Hindise Sharciyeedyada ilaa hada lasoo gaarsiiyay Golaha Shacabka iyo sidoo kale ka doodista Qaraarkii Golaha Wasiirada ee 6-dii September sanadkan 2017-ka.

Kalfadhigaan oo ay kasoo qeyb galeen 178 Mudane ayaa guddoomiyaha Golaha shacabka ugu horeyn waxa uu xildhibaanada  u sheegay in ilaa hadda golaha la soo gaarsiiyay 11 Hindise sharciyeed oo ay soo gudbisay xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya wixii hada ka dambeeya oo kalfadhigan ka harsanna aanu Golahu loo soo gudbin Karin wax hindise sharciyeed ah sida uu qabo xeer hoosaadka Golaha Shacabka  qodobkiisa 42-aad.

Intaasi ka dib  Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u guda galay ka doodista Qaraarka Golaha Wasiirada 6-dii September oo ay mudanayaashu aragtiyo kala duwan ay ka qabeen.

Dooda Xildhibaanadda kadib ayaa Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed waxa uu sheegay in guddi gaar ah loo saari doonno Go’aankii Xukuumadda dhowaan ay ka qaadatay arrinta C/kariin Muuse Qalbidhagax oo ah Sargaal Jabhadda ONLF ka tirsan.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka soo xiray ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay In ay is dejiyaan oo ay ku kalsoonaadaan Golahooda, islamarkaana ay ka feejignaadaan wararka aan xaqiiqda ku saleysaneyn oo ay faafinayaan dad aan raali ka aheyn dowladnimada Soomaaliya.

Previous Post

Bandhig carweedka Buugaagta oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026
0

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In