Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada Hirshabeelle Oo Ansixiyay Afarta Tubood iyo Halbeegyada Ku Xusan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada Hirshabeelle Oo Ansixiyay Afarta Tubood iyo Halbeegyada Ku Xusan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo laga amba qaadayo qorshaha horumarinta qaranka iyo halbeegyada iyo hawalaha afarta tubood ee Qaranka iyo mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya sida ku xusan qodobka 50aad Dastuurka KMG ee JFS, Golaha Wasiirrada waxay go’aamiyeen in ay ku shaqeeyo Afar Tubood.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo fulineysa siyaasadda Qaran ee daadajinta awoodaha, adeegyada, dowlad wanaagga iyo isla-xisaabtanka ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayeey soo gebagebeysay dejinta qorsheyaasha Hay’adaha Dowladda Hirshabeelle si loo dar-dar geliyo geeddi-socodka hawlaha Golaha Wasiirrada iyo laamaha kale ee Dowladda.

Kadib soo dharaan dhirintii Halbeegyada hortabinta u leh Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Golaha Wasiirrada waxay go’aamiyeen in ay ku shaqeeyo Afar Tubood (1. Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay, 2. Tubta Horumarinta Dhaqaalaha, 3. Tubta Amniga iyo Cadaaladda iyo 4. Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada) oo ay ku qoranyihiin halbeegyada iyo hawlaha muhimka u ah geedi socodka dhisidda hay’adha Dowaldda Goboleedka Hirshabeelle si ay u bixiyaan adeegyada muhimka u ah bulshada.

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle ayaa loo qeybiyo afar guddi hoosaad oo u abaabullan sida ay shaqooyinkoodu iskugu dhowyihiin si loo helo wada shaqeyn mug leh oo dhexdooda ah iyo isla xisaabtan dhab ah, Waxaana sidoo kale Golaha Wasiirrada Hirshabeelle ansixiyeen Xeer Hoosaadka cusub ee Golaha oo hagi doona hab dhaqanka cusub ee dowladnimo.

Goluhu wuxuu u mahad celinayaa Ra’iisul Wasaaraha JFS iyo hawl wadeenada ka socday Xafiiskiisa oo si mug leh uga qaybqaatay dejinta qorsheyaasha Hirshabeelle ee la hirgelin doono sanadaha soo socdo.

Dowlad Goboleedka Hirshabeeelle waxey tusaale uga tahay dalka intiisa kale in dhaqanka federaalku uu yahay midnimo wada jir iyo iskaashi heerarka dowladda.

Previous Post

Tahriibayaal ku xanibnaa dalka Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin Wejigiisa 3-aad ”SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin Wejigiisa 3-aad ”SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin Wejigiisa 3-aad ”SAWIRRO”

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In