Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo ansixiyay Hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sheekh Cali ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta .

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu Golaha tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo.

Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah;

1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.

3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.

5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka

Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

Previous Post

Badqabka online-ka: Masuuliyad Wadareed ay Sharaf u Tahay TikTok inay Muhiimadda siiso

Next Post

Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS  oo ka dooday ku noqoshada Miisaaniyadda 2023

Next Post
Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS  oo ka dooday ku noqoshada Miisaaniyadda 2023

Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS  oo ka dooday ku noqoshada Miisaaniyadda 2023

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In