Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ku ansixiyay kulankooda “Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta” kadib wadatashiyo lala sameeyay dhammaan hey’adaha dowladda, dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Bulshada Rayidka, Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu shirguddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, iyo Wasiirro kale oo matalayay Wasaarado kale.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Wadatashiyada la xiriiray Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta ayaa qabsoomay intii u dhexeysay 3 August, 2021 illaa iyo 30 January , 2022 , waxa ayna ka kala dhaceen Caasimadda Muqdisho iyo Magaalooyinka Kismaayo, Jowhar, Garoowe, Beydhabo iyo Dhuusamareeb, iyadoo ay ka qeybgaleen boqolaal siyaasiyiin ah iyo matalayaasha bulshada rayidka ah, waxaana la soo gabagabeeyay talo uruurintii ugu dambeysay inta aan la horgeyn Golaha Wasiirada oo maanta cod aqlabiyad ah ku oggolaaday.

Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga oo saxiixay xeerka bixinta shatiyada

Next Post

Ciidamada xoogga oo howlgallo ka fuliyay Galcad iyo deegaanno hoostaga

Next Post
Ciidamada xoogga oo howlgallo ka fuliyay Galcad iyo deegaanno hoostaga

Ciidamada xoogga oo howlgallo ka fuliyay Galcad iyo deegaanno hoostaga

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In