Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo yeeshay shir lagu qiimeynayo waxqabadka lixdii bil ee la soo dhaafay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo ka doodaya qorshaha Xukuumadda ee 100-ka Maalmood “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo ahaa mid aan caadi aheyn ayuu Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali isugu yeeray dhammaan xubaha golaha wasiirada, isla markaana uu shir guddoominayey kulanka,  iyadoo uu joogay ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha, waxaana shirka si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka Xukuumadda hadda jirta mudada ay shaqeyneyso.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay  muhiimadda guud ee shirka golaha Wasiirrada, isagoo carrabka ku dhuftay in Ra’iisul wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa in wasaarad walba waxqabadkeeda la qiimeeyey, isla markaana  uu jiro isla xisaabtan adag oo ku saleysan maamul wanaag.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa tilmaamay in golaha wasiirrada ay dood kulul ka yeesheen arrimaha ammaanka Qaranka  gaar ahaan sidii loo soo gabagabeyn lahaa howlgallada ka dhanka ah nabad-diidka, qorshe arrintaa la xiriirana dhowaan laga fulin doono meelo  qorsheysan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in aragti ay Puntland ka bixisay dhismaha maamulka Galmudug in  ay xalin doonaan hey’ado Destuuri ah dowladda Federaalkuna ay diyaar u tahay  in hanaan siyaasad xasiloon leh in ay ku dhammeyso arrimahaasi.

Xukuumadda Federaalka ayaa jirsatay muddo Lix-bilood la badan, waxaana weli socda olollaha  cusub ee lagu qiimeynayo wasaaradaha dowladda, si loo kala ogaado hey’adda aan ka soo bixin maruudaha ay u xilsaaran tahay, waana hanaan hufan oo muujinaya biseylka laga gaaray isla xisaabtanka inkastoo ay jiraan hey’adaha aan  qaban ugu badnaan shaqooyinkii loo diray.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Tartamayaasha degmada Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka

Next Post
Tartamayaasha Degmada Boondheere oo u soo gudbay wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka “Dhageyso”

Tartamayaasha degmada Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In