Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa Golaha Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga koowaad kulankiisa 7-aad oo maanta lagu ansaxiyay xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka.