Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddi hoosaad soo diyaarinaya sharci lagu ansixiniyo doorashada dadban sanadka 2016 oo kulmay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Jawaari Oo Xiray Kalfadhiga 7aad Ee Baarlamaanka Islamarkaana Guddoomay Billad Sharaf “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida uu qabo qodobka 63,aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka Gudi hoosaadka u xilsaaran soo diyaarinta mashruuc sharci lagu ansixinayo doorashada dadban ee sanadka 2016 dalka ka qabsoomi doonta  iyo hanaanka lagu fulinayo oo uu soo magacaabay guddoomoiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu yeeshay kulankooda ugu horeeyay, waxaana shir guddoomiyaya Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan‘’Jawaari’’ iyo ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ah guddoomiyaha guddigan.

Ugu horeyn guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo jeediyay In guddigan oo loogu talo galay in mashruuc sharci ah oo kasoo baxa baarlamaanka Jamhuuriyadda ay soo diyaariyaan iyo in nuquladii uu u qeybiyay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa hanaanka doorasho dib loo dhigo.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa guda galay ka doodida mashruuc sharci lagu ansixinayo doorashada dadban ee sanadka 2016 iyo sidoo kale  qorshaha iyo hanaanka lagu fulinayo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah habdhowraha golaha shacabka Federaalka Soomaaliya oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay kulanka maanta ee gudiga iyo qodobadii ay isku raaceen.

“Waxa uu soo jeediyay Guddoomiyaha in arrinta ay labo qeyb tahay, qeybna ay tahay in guddigan oo loogu talagalay in ay soo diyaariyaan mashruuc sharci ka soo baxay baarlamaanka, iyo qeybta labaad oo ah nuquladii uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay baarlamaanka, waxaana maanta noo dhamaatay sidii ay suurta gal u noqon lahayd, doorasho dadban”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud.

Xubnaha guddigan oo ka kooban 21 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Federaalka soomaaliya Mudane Mahad C/lla Cawad,waxaana maalinta beri ah haduu Alle idmo ay ka doodi doonnaan qodobka labaad oo ah in qodod qodob looga doodo nuquladii uu u qeybiyay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa hanaanka doorasho, waxaana xil heynta guddigan hoosaad uu dhamaanayaa taariikhda uu goluhu ansixiyo sharcigan si waafaqsan isla qodobka 63,aad ee xeer hoosaadka.

 

Previous Post

Soomaali banaan bax ka sameeysay Sweden “Sawirro”

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka hadlay wax u qabashada barakacayaasha

Next Post
RW ku xigeenka oo kulan la qaatay gudigga kormeerka ee Maareynta Maaliyadda Dowladda

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka hadlay wax u qabashada barakacayaasha

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In