Saturday, February 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud ee waajibaadka shaqo ee Guddiga Amniga iyo hay’adaha amniga gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tababarka waxaa si rasmi ah u furay Sanatar Col. Axmed Maxamed Cali (Afcadey), waxaana la qorsheynayaa in uu socdo muddo laba maalmood ah. Sanatar Afcadey ayaa furitaanka ku sheegay in tababarku muhiim u yahay hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya amniga gudaha, loona baahan yahay in kor loo qaado fahamka guud ee waajibaadka shaqo ee hay’adahaasi iyo doorka baarlamaanka ee kormeerka iyo isla xisaabtanka.

Related posts

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

February 7, 2026
Safaaradda JFS ee dalka Tanzania oo dhawaan xarig jari doonta dhismaha cusub ee deegaanka safiirka

Safaaradda JFS ee dalka Tanzania oo dhawaan xarig jari doonta dhismaha cusub ee deegaanka safiirka

February 7, 2026

“Tababarkan wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay dhisidda hanaan sharciyeysan oo lagu xoojinayo xiriirka shaqo ee hay’adaha amniga iyo Baarlamaanka. Waxa uu sidoo kale iftiiminayaa sharciyada amniga khuseeya, ilaalinta dastuurka ku-meelgaarka ah, xeerarka dalka iyo xaqa muwaadinka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sanatar Afcadey”

Intaas ka dib, waxaa la guda galay dood furan oo lagu falanqeeyay kaalinta hay’adaha amniga ee sugidda xasilloonida gudaha. Waxaa lagu soo bandhigay warbixinno iyo aragtiyo wax-ku-ool ah oo ay soo jeediyeen ka qeybgalayaasha, kuwaas oo la wadaagay Guddiga muhiimadda ay leedahay qabashada tababarrada noocan oo kale ah. Waxaa si gaar ah loo xusay baahida loo qabo in sare loo qaado kala xadaynta waajibaadka Baarlamaanka iyo hay’adaha fulinta ee ku shaqada leh arrimaha amniga.

Dhanka kale, Sanatar Afcadey ayaa tilmaamay in tababarku yahay fursad aqoon-isweydaarsi iyo xirfad kororsi ah oo muhiim u ah gudashada waajibaadka qaran ee ka qeybgalayaasha, isaga oo ugu dambeyn ku dhiirrigeliyay in ay si buuxda uga faa’iideystaan.

Previous Post

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Next Post
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa ku biirtay dhoolatus ballaaran oo ay wadajir u sameynayaan ciidamada badda dalal dhowr ah, kaas oo ujeeddadiisu...

Safaaradda JFS ee dalka Tanzania oo dhawaan xarig jari doonta dhismaha cusub ee deegaanka safiirka

Safaaradda JFS ee dalka Tanzania oo dhawaan xarig jari doonta dhismaha cusub ee deegaanka safiirka

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TANZANIA):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan xarigga ka jari doonta dhismaha cusub ee deegaanka Safiirka, taas...

Madaxweynaha JFS oo si diirran loogu soo dhaweeyay dalka Qatar

Madaxweynaha JFS oo si diirran loogu soo dhaweeyay dalka Qatar

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(QATAR):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee Caasimadda dalka...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qarax ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qarax ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si qoto dheer ula wadaagaysaa Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan murugada ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In