Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud ee waajibaadka shaqo ee Guddiga Amniga iyo hay’adaha amniga gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tababarka waxaa si rasmi ah u furay Sanatar Col. Axmed Maxamed Cali (Afcadey), waxaana la qorsheynayaa in uu socdo muddo laba maalmood ah. Sanatar Afcadey ayaa furitaanka ku sheegay in tababarku muhiim u yahay hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya amniga gudaha, loona baahan yahay in kor loo qaado fahamka guud ee waajibaadka shaqo ee hay’adahaasi iyo doorka baarlamaanka ee kormeerka iyo isla xisaabtanka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025

“Tababarkan wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay dhisidda hanaan sharciyeysan oo lagu xoojinayo xiriirka shaqo ee hay’adaha amniga iyo Baarlamaanka. Waxa uu sidoo kale iftiiminayaa sharciyada amniga khuseeya, ilaalinta dastuurka ku-meelgaarka ah, xeerarka dalka iyo xaqa muwaadinka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sanatar Afcadey”

Intaas ka dib, waxaa la guda galay dood furan oo lagu falanqeeyay kaalinta hay’adaha amniga ee sugidda xasilloonida gudaha. Waxaa lagu soo bandhigay warbixinno iyo aragtiyo wax-ku-ool ah oo ay soo jeediyeen ka qeybgalayaasha, kuwaas oo la wadaagay Guddiga muhiimadda ay leedahay qabashada tababarrada noocan oo kale ah. Waxaa si gaar ah loo xusay baahida loo qabo in sare loo qaado kala xadaynta waajibaadka Baarlamaanka iyo hay’adaha fulinta ee ku shaqada leh arrimaha amniga.

Dhanka kale, Sanatar Afcadey ayaa tilmaamay in tababarku yahay fursad aqoon-isweydaarsi iyo xirfad kororsi ah oo muhiim u ah gudashada waajibaadka qaran ee ka qeybgalayaasha, isaga oo ugu dambeyn ku dhiirrigeliyay in ay si buuxda uga faa’iideystaan.

Previous Post

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Next Post
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In