Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Guddiga Amniga ee Golaha Shacabka oo ka hadlay doorka Golaha ee la xisaabtanka hay’adaha Nabadgelyada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Barnaamijyada, Wararka
0
Guddiga Amniga ee Golaha Shacabka oo ka hadlay doorka Golaha ee la xisaabtanka hay’adaha Nabadgelyada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha shacabka ayaa ka hadlay doorka Golaha ee ku aadan la xisaabtanka Hay’adaha Amniga, iyagoo soo jeediyay talooyin ku aadan sida lagu xoojin karo xagga amniga kaddib markii mas’uuliyiin ka tirsan guddiga ay maanta ka qeyb galeen barnaamijka Kulanka Todobaadka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka Jimcaha.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geesey iyo Xildhibaan Axmed Ismcaaciil oo xubin ka ah guddiga ayaa si wada jir ah u faah faahiyay doorka guddiga, waxaana ay shacabka ku booriyeen inay muujiyaan kaalintooda kaga aadan la shaqeynta laamaha amniga.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geesey ayaa ugu horeyn bogaadiyay guulaha laga gaaray Dacwadda Soomaaliya ee dhanka badda, dib u xoreynta deegaannada ku suganyihiin argagixisada Al-Shabaab iyo dadaallada ay xukuumadda Soomaaliya ugu jirto arrimaha dib u heshiisiinta.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geesey ayaa xusay inay kormeer ku sameeyaan hanaanka ay u socdaan amniga, isagoo intaa raaciyay in howlaha kormeerka kaddib ay kulamo la qaataan saraakiisha ay quseyso.

Xildhibaan Axmed Ismaaciil oo xubin ka ah Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xukuumadda ay xagga amniga wax badan ka qabatay, balse loo baahanyahay in shacabku ay door muhiim ah ka qaataan, maadaama cadowga shacabkeena waxyeeleynayo uusan ahayn mid dibadda ka yimaada.

Xildhibaan Axmed ayaa yiri “Labo sifo ayaa lagu soo afjari karaa dhibaatada xagga amniga, mid in loo wajaho ciidan oo sida hadda la sameeyo ah, midna in heshiis lala galo oo wada hadal wax lagu dhameeyo.”

Xildibaan Geeseey ayaa mar uu ka hadlayay saameynta ay keeneyso isku shaan dheynta lagu sameynayo laamaha amniga ayaa yiri “Isdhaaf dhaafka Taliyeyaaha ayay ka yimaadaan qaladka xaga nabadgelyada, waayo cadowga waxa uu ka faa’iideysanaya isbadalka lagu sameynayo taliyeyaasha amniga, ka hor inta uusan taliyaha cusub la qabsan howsha loo idmaday, waxaana ku talinaynaa in dadka aqoonta u leh amniga la laasimo oo aan war wareeg la gelinin”.

“Waxaan soo jeedineynaa in laamaha Amniga ay kalsooni dhaw la yeeshaan shacabka, bulshadana ay hay’adaha amniga gacan ku siiyaan sidii looga hortegi lahaa waxkasta oo Nabadgelyada wax u dhimaya”. ayuu Xildhibaan Axmed Ismaaciil.

Qaar ka mid ah dadkii qadka telefoonka kaga qeyb qaatay barnaamijka ayaa su’aalo dhowr ah weydiiyay guddiga, waxaana ay uga jawaabeen si waafi ah.

Xildhibaan Axmed mar uu ka jawaabayay mid ka mid ah su’aalaha la weydiiyay ayaa yiri “Qofka xogta gudbinaya marka hore waa in uu ahaadaa qof ku kalsoon cidda uu xogta la wadaagayo, waana in uu iska hubiyaa xogta run ahaan shaheeda, tankale laamaha amniguna waa inay si dhaqsi leh uga jawaab celiyaan xogta la soo gaarsiiyo” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Ismaaciil.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Dhismayaal Lagu Kordhinayo Jaamacadda Ummaddu Qaybteeda Caabuudwaaq “SAWIRRO”

Next Post

Askari dilay Seddax walaalo ah oo la Xukumay

Next Post
Askari dilay Seddax walaalo ah oo la Xukumay

Askari dilay Seddax walaalo ah oo la Xukumay

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In