Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga amniga Qaranka ee baarlamaanka oo la kulmay Wasiirka Amniga iyo saraakiil ciidan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga: “Dhalinyarada la marin habaabiyay ee Shabaabka ku haray, ha isa soo dhiibaan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan la qaatay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga ayaa looga hadlay xoojinta amniga iyo sidii loo dar dargelin lahaa.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah uruurrinta hubka sharci darrada ah, xoojinta xiriirka hay’adaha Nabadgelyada iyo shacabka, tayaynta ciidamada ammaanka iyo sidii loo xoojin lahaa Nabadgelyada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirka Amniga gudaha iyo saraakiishii ka qeyb gashay kulanka ayaa la waydiiyay su’aalo la xiriira xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan tan caasimadda.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga arimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka Xidlhibaan Daahir Amiin Jeesow oo markii uu kulanka soo idlaaday kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid su’aallo lagu weydiinayay Wasiirka iyo wixii horumar ah oo xagga amniga ku saabsan.

“Waxyaabo badan ayaan ka wada hadalnay, oo muhiim u ah xagga amniga, balaarinta xafiisyada Wasaaradda, dajinta istaraatiijiyad amnniga, dib u habeynta ciidanka iyo tayayntooda, la dagaallanka argagixisada abaabulan,  dhowrista xaquuqda aadanaha, ilaalinta kaabayaasha dhaqaale, horumarinta iyo xiriirka iskaashiga heer gobol iyo heer caalami, intaas ayaan ka wada hadalnay, guul ayayna noogu soo dhamaatay” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Kulankaan  ayaa  qayb  ka ah  qorshaha  lagu xoojinayo  guud  ahaan  aminga  dalka  iyo wada  shaqaynta   ka  dhaxaysa   Wasaradda iyo  guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka.

 

Previous Post

Kooxda Arsenal oo Ka Adkaatay Kooxda Liverpool “Sawirro”

Next Post

Xuska sanadguurada Warbaahinta Qaranka oo iminka ka socoto xarunta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

Next Post
Xuska sanadguurada Warbaahinta Qaranka oo iminka ka socoto xarunta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

Xuska sanadguurada Warbaahinta Qaranka oo iminka ka socoto xarunta Wasaaradda Warfaafinta "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In