Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula yeeshay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Kulanka oo uu shir Gudoominayay Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga Xildhibaan Sayid Cali Isaaq Maxamed Yonis iyo xubnaha Guddiga.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa Su.aalo weydiin, la xisaabtanka iyo kor-joogteynta Wasaaradda Arrimaha Dibidda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada mudane Abshir CumarHuruuse oo uu wehlinayao Wasiir dowlaha Wasaaradda Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa Guddiga ugu warbixiyay habsami u socodka howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo sida ay u shaqeyaan safaaradaha dalalka caalamka aan ku leenahay.
Intaasi kadib Guddiga ayaa guda galay su’aalo weydiinta Madaxda Wasaaradda, ayagoo inta badan weydiimahooda kuwajahneeyd saafaradaha dibadda dhibaatooyinka ay ku qabaan shacabka Soomaliyeed, gaar ahaan ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarta wadamada Safaaradaha aan ku leenahay iyo sidoo kale Safiirkii hore ee u fadhiyay dalka Sacuudiga ayaa wax laga weydiiyay Wasiirka waxa keenay is casilaadiisa iyo arimo quseeya Shaqaalaha Wasaaradda ee ku kala qoran safaaradaha Dibadda aan kuleenahay.
Wasiirka Wasaaradda ayaa ka wada jawaabay Guud ahaan Su’aalihii ay weydiiyeen Xubnaha Guddiga Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS.
Gabagabadii Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo soo xiray kulanka maanta uu Guddigu layeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ayaa umahadceliyay Wasiirka, Wasiiru-dowlaha iyo xubnaha kale ee lasocday Sidoo kale waxa uu sheegay in uu siisocon doono wada shaqeynta iyo la-xisaabtanka Wasaaradda uu layeelanayo Guddigu.