Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo la kulmay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Hay’adda NISA+ Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo la kulmay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Hay’adda NISA+ Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kullan looga hadlayay arrimaha amniga iyo xaaladda amniga hadda uu marayo waxay la yeesheen Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka “NISA” Xuseen Cusmaan Xuseen.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax (Geeseey),ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabihii looga wada hadlay kullanka ay la yeesheen Wasiirka Amniga gudaha iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya.

“Maanta oo ay taariikhda tahay 19/July/2018,Guddiga arrimaha gudaha iyo Amniga, wuxuu la kulmay Wasiirka Amniga Gudaha,Taliyaha NISA iyo xubno kale oo la socday,waxaana ka wada hadalnay arrimaha Amniga iyo xaaladda amniga hadda uu marayo wax badanoo xog ahna waan iska weydiinay inshallah waxyaabihii ka wada hadlnay intooda badan waa isla fahamnay, marka kullanka maanta waxay ahayd ujeedadiisa ugu weyn in amniga laga wada hadlo iyo arrimaha quseeyo,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax (Geeseey).

Guddiga arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo xubnihii kale ee kulmay ayaa isku afgartay in la dardar geliyo sugida Amniga lagana hortago falalka guracan ay maleegayaan kooxaha nabad-diidka ah.

Previous Post

Hadaljeedinta Madaxweynaha ee Shirkii jaraa’id ee Ereteriya

Next Post

Wasiirkii hore ee Waxbarashada XFS oo maanta Xilka ku wareejiyay siihayaha Wasiirka Mudane C/raxmaan Maxamed Jaabiri

Next Post
Wasiirkii hore ee Waxbarashada XFS oo maanta Xilka ku wareejiyay siihayaha Wasiirka Mudane C/raxmaan Maxamed Jaabiri

Wasiirkii hore ee Waxbarashada XFS oo maanta Xilka ku wareejiyay siihayaha Wasiirka Mudane C/raxmaan Maxamed Jaabiri

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In