Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo bogaadiyay dadaallada dowladda ee xagga dib u heshiisiinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka  oo ku baaqay dardar galinta dhismaha maamulka g/dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir saxafadeed magaalada Muqdisho uu ku qabtay Gudoomiya Guddiga Dib u heshiisinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse oo ay goobjoog ka hayeen Xubnaha Guddiga ayuu kaga hadlay Dadaalada dib u heshiisiineed ee dowladdu ay wado.

Guddoomiyaha ayaa bogadiyay dadaallada Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha  iyo Xukuumadda ay ugu jiraan ku qancinta dhaqanka Gobolka Hiiraan shirka maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiran iyo Shabeelaha dhexe iyo dadaalka Puntland looga qancinayo hanaanka doorashada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Waxana dowladda ku amaanayaa dadaallada ay ugu jirto in odayaasha dhaqanka Hiiraan lagu qanciyo shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waan ku amaanayaa joogitaankisa Puntland si loo qanciyo Maamulka Puntland hanaanka doorashada ee sanadkan aynu ku jirno lagu qaban doono dalka”ayuu yiri Ismaaciil Macalin Muuse.

Guddiga dib u heshiisinta ayaa sidoo kale taageray heshiisinkii dhawaan Dowlad Gobleedka Jubbaland iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeday ay ku saxiixdeen magaalada Kismaayo.

“Madaxweynaha Jubbland waxaan ku amaanaya heshiiskii taariikhiga ahaa ee maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiin diidan ay ku gaareen magaalada Kismaayo waxa ay muujisay sida uu uga dulqaatay Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam in xal la gaaro arrintan”ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa ku baaqay in loo midoobe Maamulka Galmudug lana qanciyo Ahlusuna, waxaana uu yiri “Waxaan leenahay halaga gudbo khilaafka, haloo midoobe Dowlad Gobleedka Galmudug, Ahlusuna waxaan leenahay iyaga door halaga siiyo Dowlad Goboleedka, dhankoodana ha qaateen heshiiska”.

Gudiga Dib u heshiinta Qaranka ayaa ugu dambeyn sheegay in xalka wadanku uu ku jiro inay wada hadlaan bulshada Soomaaliyeed, waxwalbana loo maro dhabaha Nabadda iyo wada hadalka.

 

 

Previous Post

Primeir Bank Oo Markii Ugu Horeysay Dalka Keenay Adeega Kaararka VISA

Next Post

Agaasimeyaasha guud oo ka shiray qorshe howleedka u qabsoomay Wasaarad kasta

Next Post

Agaasimeyaasha guud oo ka shiray qorshe howleedka u qabsoomay Wasaarad kasta

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In