Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga doorashada oo soo saaray 14 qodob oo habraaca amniga doorashada ah

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Guddiga doorashada oo soo saaray 14 qodob oo habraaca amniga doorashada ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku faahfaahinayaan cidda loo xil-saaray mas’uuliyadda ammaanka goobta doorashada iyo doorka ay ku yeela karaan ciidamada qaranka.

Hoos ka akhriso bayaanka

Related posts

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

August 30, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026

Tariikh 10/05/2022 Guddoonka Baarlamaanku waxuu soo saarey bayaankan Amni ee Tafaasiishu hoos ku qoran:

  1. A) Taliyaha Ciidanka Boolisku waa hogaaminaya Amniga guud ee Doorashadda.
  2. B) Amniga iyo galitaanka fadhiga Xarunta waxaa gaar u leh Ciidanka ATMIS Sector 1.
  3. C) Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka waxay u xilsaaran yihiin amaanka guud ee Magaalada gudaheeda iyo banaankeedaba in ay ka hortagaan wax kasta oo amaanka khalkhal galinkara sida shabaab iyo wixii la mid ah.
  4. D) Ciidanka Nabadsugidda waa in ay si gaara ula socdaan xubnaha ka tirsan Alshabaab ee gudaha magaalada ku dhuumaalaysanaya oo ay fashiliyaan intaanay wax sameyn.
  5. E) Ciidanka Booliska iyo kan Nabadsugida waxay ka masu’ul yihiin fududeynta socodka Murshaxiinta, Xildhibaanada iyo martida madaxda ah ee la martiqaaday ay ku soo gaarayaan Teendhada ilaa inta lagu guddo juro Doorashada.
  6. F) Afar iyo labaatan (24) Booliis ah oo aan hubaysnayn waxay kala shaqeynayaan ATMIS warunta doorashadda ee Teendhada Afasiyooni.
  7. G) ATMIS oo raaceysa awaamiirta Gudoonka ma ogolaanayso in wax hub ah lala soo galo Xalane maalinta Doorashada.
  8. H) Ciidanka Xoogga Dalka qaybta degan Teendhada Afasiyooni waxay si ku meelgaar ah u banaynayaan Xaruunta teendhada inta Doorashada lagu guda jiro, waxayna xoojinayaaan Amaanka banaanka.
  9. I) Ayadoo la raacayo sida ku cad habraacyada Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxwaynaha ay soo saareen, Murashaxiinta u tartamaya Xafiska Madaxweynaha waxay ka soo galayaan albaabada tilmaaman, halkaas oo ay ATMIS ka qaadi doonto ayna sii galbinayaan ilaa Teendhada.
  10. J) Dhamaan Xildhibaanada Sharafta leh waxaa laga rajeynayaa in ay gacan siiyaan ciidanka amniga sugaya ee baraha baaritaanka joogo si loo hubiyo amniga ka soo qaybgalayaasha oo dhan.
  11. K) Maalinta Doorashada Madaxweynaha lama ogola in lala soo galo Teendhada Telephone ama Tablet. Ka soo qaybgalayaasha waxaan kula talinaynaa in ay Telephoonadooda uga soo tagaan banaanka oo ay darwaladoodu u dhiibtaan.
  12. L) Murashaxiinta u taagan Xafiiska Madaxweynaha maalinta Doorashada waxaa loo ogolyahay min hal caawiye. Madaxwynaha hada jooga waxaa loo ogol yahay Saddex caawiye. Madaxweynayaashii hore waxaa loo ogolyahay laba caawiye kiiba.
  13. M) Dhamaan Murashaxiinta, Xildhibaanada iyo martida la martiqaaday baaburtooda waxay uga soo tagayaan Dugsiga Tababarka Ganaraal kaahiye ama Barxada Airportka. Intaa ka dib waxaa la marayaa baaritaanka amniga ee albaabka Airportka, dabadeedna waxaa la raacayaa Basaska Booliiska iyo UN oo geynaya Teendhada.
  14. N) Murashaxa ku guuleysta/guulaysata Xafiiska Madaxweynaha waxaa isla markiiba amnigiisa/ amnigeeda la wareegaya ATMIS, waxaana loo qaadayaa meel amnigeedu suganyahay.
Previous Post

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la-taliye ka dhigtay Maxamed Xasan Idiris

Next Post

Madaxda Dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Xaawo Cabdi Samatar

Next Post
Madaxda Dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Xaawo Cabdi Samatar

Madaxda Dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Xaawo Cabdi Samatar

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoonka Golaha Haweenka...

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In