Guddiga maamulka Doorashada ee Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland ayaa diiwangeliyay guddiga soo xulaya ergada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#257 iyo HOP#260. Kuraastaan oo kamid ah kuraas dhawaan la soo dhaaciyey in la qabanayo doorashadooda ayaa maanta la diiwaan galiyey odayaasha dhaqanka ee soo xuleysa ergada dooraneysa kuraastan.
In la shaaciyo cidda soo xuleysa ergada kursi walba ka hor intaan la dooran ayaa kamid ahaa qodobaddi lagu soo saaray heshiiskii shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga Qaran ee lagu jiheynayey doorashada golaha shacabka iyo hab-raacyadda doorashadda.