Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo ku baaqay in 16-ka bisha November la bilaabo doorashada Golaha Shacabka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo la shaaciyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal oo tix-gelinaya xaaladaha waddanka iyo duruufaha taagan, culaysyada kala duwan ee ka jira doorashada iyo jadwallada isbaddalaya oo horay u soo baxay, islamarkaasina ay adkaatay in sidii loo qorsheeyey lagu fuliyo doorshooyinkii oo qorshaha ahaa in ugu danbeyntii lagu dhamaystiro 20ka bisha Noofeember 2021, hasa yeeshee ay suuro-galiweysey.

Guddiga ayaa markii uu la tashaday qaybaha siyaasadda iyo guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan, wuxuu ugu baaqayaa guddiyada kala gedisan ee doorashada ee Heer Doowlad Goboleed, in ay si rasmi ah u bilaabaan doorashooyinka golaha shacabka 16 Noofeembar 2021.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Waxaan guddigu Dowladda Federaalka ka codsanayaa in ay waqtigaasi ka hor si degdeg ah u gaarsiiso guddiyada sahaydii dhaqaale ee doorashada, si ay hawshooda u gutaan.

Waxaan qaybaha siyaasaadda, daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in 24 Diseembar 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka.

Waxaa guddigu intaasi ku daray in ay lagama maar-maan tahay mudadaasi kaddib la galo dhaarinta gollaha shacabka iyo dooraashada madaxweynaha si dalku u yeesho hay’ado dastuuri ah oo si sharci ah ku yimid.

Guddiyadu waxay ugu baaqayaan madaxda Dowlad Goboleedyada in ay gacan buuxda siiyaan guddiyada doorashooyinka, isla markaasina ay u fududeeyaan hawlahooda shaqo.

Guddiga doorashooyinka Heer federaal, waxaa uu si deg deg ah u geynayaa dhammaan gobollada doorashadu ka dhacayso agabkii loogu talo galay doorashada wakhtigaan la qabtay ka hor.

Guddigu, waxaa uu ugu danbeyntii ugu baaqayaa madaxda Qaranka, bulshada Soomaaliyeed iyo  daneeyayaasha  taageeraya  Soomaaliya in ay si buuxda ugu hawl galaan mudada doorashada loo qabtay in lagu soo dhamaystiro xubnaha baarlamaanka labada aqal ee harsan.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeer ku tegay mashaariic horumarineed oo ka socota Balcad “SAWIRRO”

Next Post

Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan XDS “SAWIRRO”

Next Post
Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan XDS “SAWIRRO”

Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan XDS “SAWIRRO”

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In