Guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT), ayaa maanta oo sabti ah taariikhdana ku asteysan tahay 02/04/2022, bilaabay bixinta shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga (FEIT) mudane Muuse Geelle Ugaas ayaa Xildhibaanadii ugu horeeyay guddoonsiiyay shahaadada xildhibaanimo ee xubnaha cusub golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
8-xildhibaan oo ka kala tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qaatay shahaadada rasmiga ah ee xildhibaanada Baarlamaanka.
- Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Caana-nuug)
- Xildhibaan Mustafa Sheikh Cali Dhuxuloow
- Xildhibaan Mohamed Nur Abubakar- Shariif Mustafa
- Xildhibaan Mohamed Omar Aimoy
- Senator Abdi Ahmed Dhuhulow (Dhagdheer)
- Xildhibaan Yusuf Gelle Ugaas
- Xildhibaan Mohamed Abdi Hayir-Maareeye
- Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi Iyo Xildhibaano kale
Guddiga ayaa sidoo kale, xildhibaanada gobollada iyo dalka dibeddiisa ku maqan ku wargeliyay in ay yimaaddaan sida ugu dhakhsaha badan, si loo hirgeliyo jadwalka dhammeystirka doorashada ee GHDHF ay soo saartay.