Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo daahfuray qaamuuska eray bixinta doorashooyinka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddiga doorashooyinka Qaranka oo daahfuray qaamuuska eray bixinta doorashooyinka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta la daahfuray Istiraatiijiyadda Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka shanta sano soo ee socota oo qeexeysa arrimo ay kamid yihiin hirgalinta doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020, diyaaarinta sharciyada doorashooyinka, wacyigalinta bulshada ee dhanka doorashooyinka, diiwaangelinta cod bixiyaasha iyo hirgalinta Axsaabta, waxaana sidoo kale Guddiga ay soo bandhigeen qaamuuska eray bixinta doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Qorheynta ee Xukuumadda Federaalka ah, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, xubnaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo wakiilo ka socday beesha caalamka iyo axsaabta siyaasadeed.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa baanaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in qaamuuska ay soo bandhigeen uu shacabka Soomaaliyeed u fududeynayo fahamka doorashooyinka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026

β€œAnaga doorasho waxaa noogu dambeysay 47-sano kahor, mudadaas 47-ka sano ah ayuuna aduunku isii badalayaa taas ayaa nagu qasabtay inaan tarjunno luqadda doorashooyinka, waxayna arintaan fursad u tahay dadka Soomaaliyeed inaysan ku dhibtoon doorashada aan rajeneyno inaan hirgalino sanadka 2020 taasi oo ah doorasho qof iyo cod oo xor iyo xalaal ah” ayay tiri Xaliimo Yareey.

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaaliya oo ka hadlay Munaasabadda ayaa xusay in Qaramada Midoobay ay taagaeereyso Guddiga doorashooyinka Qaran eeΒ  madaxa banaan.

β€œWaxaan fursadan uga faa’iideysanayaa inaan idiin xaqiijiyo sida ay uga go’an tahay Qaramada Midooday inay garab istaagaan dadka iyo madaxda Soomaaliyeed si ay u gaaraan dimuqraadiyad iyo doorasho xalaal ah, iyadoo la xaqiijinayo habka ay u dhaceyso doorashada sanadka 2020” ayuu yiri Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan ay gacan ka geysnaayaan hirgalinta doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020.

Xildhibaan Fowsiyo YuusufΒ  Xaaji Aadan oo sidoo kale ka tirsan xubnihii ka socday Axsaabta Siysaadeed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb qaataan dadaallada uu Guddiga Madax banaan ee doorashooyinka Qaranka ugu jiro hirgelinta doorasho qof iyo cod ah inay qabsoonto sanadka 2020.

Wasiirka Wasaardda Qorheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri β€œGuddiga doorahooyinka Qaranka waxaan idin kaga mahadcelinayaa sida istiraajiyadiina u waafajiseen qorshaha horumarinta Qaranka iyo dastuurka dalka, marka waa muhiim in qorshahaan la hirgaliyo” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ujeedkooda ugu weyn uu yahay in dalka ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020, waxaana mudooyinkii dambe ay wadeen dadaalo isugu jira dhameystirka hanaanka Axsaabta Siyadeed iyo diyaarinta waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada, iyadoo dhawaan Guddigu shahaadooyinkii diiwanagalinta kumeel gaarka ah ay siiyeen ilaa 7-Xisbi oo ka mid ah ururada Siyaasadeed ee dalka ka jira.

W/D: Cumar Xasan Cali

Previous Post

Tababar ku saabsanaa isla xisaabtanka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Next Post

Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Benaadir oo markale guul gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Benaadir oo markale guul gaaray “SAWIRRO”

Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Benaadir oo markale guul gaaray "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In