Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo daahfuray qaamuuska eray bixinta doorashooyinka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga doorashooyinka Qaranka oo daahfuray qaamuuska eray bixinta doorashooyinka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta la daahfuray Istiraatiijiyadda Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka shanta sano soo ee socota oo qeexeysa arrimo ay kamid yihiin hirgalinta doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020, diyaaarinta sharciyada doorashooyinka, wacyigalinta bulshada ee dhanka doorashooyinka, diiwaangelinta cod bixiyaasha iyo hirgalinta Axsaabta, waxaana sidoo kale Guddiga ay soo bandhigeen qaamuuska eray bixinta doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Qorheynta ee Xukuumadda Federaalka ah, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, xubnaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo wakiilo ka socday beesha caalamka iyo axsaabta siyaasadeed.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa baanaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in qaamuuska ay soo bandhigeen uu shacabka Soomaaliyeed u fududeynayo fahamka doorashooyinka.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

“Anaga doorasho waxaa noogu dambeysay 47-sano kahor, mudadaas 47-ka sano ah ayuuna aduunku isii badalayaa taas ayaa nagu qasabtay inaan tarjunno luqadda doorashooyinka, waxayna arintaan fursad u tahay dadka Soomaaliyeed inaysan ku dhibtoon doorashada aan rajeneyno inaan hirgalino sanadka 2020 taasi oo ah doorasho qof iyo cod oo xor iyo xalaal ah” ayay tiri Xaliimo Yareey.

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaaliya oo ka hadlay Munaasabadda ayaa xusay in Qaramada Midoobay ay taagaeereyso Guddiga doorashooyinka Qaran ee  madaxa banaan.

“Waxaan fursadan uga faa’iideysanayaa inaan idiin xaqiijiyo sida ay uga go’an tahay Qaramada Midooday inay garab istaagaan dadka iyo madaxda Soomaaliyeed si ay u gaaraan dimuqraadiyad iyo doorasho xalaal ah, iyadoo la xaqiijinayo habka ay u dhaceyso doorashada sanadka 2020” ayuu yiri Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan ay gacan ka geysnaayaan hirgalinta doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan oo sidoo kale ka tirsan xubnihii ka socday Axsaabta Siysaadeed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb qaataan dadaallada uu Guddiga Madax banaan ee doorashooyinka Qaranka ugu jiro hirgelinta doorasho qof iyo cod ah inay qabsoonto sanadka 2020.

Wasiirka Wasaardda Qorheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri “Guddiga doorahooyinka Qaranka waxaan idin kaga mahadcelinayaa sida istiraajiyadiina u waafajiseen qorshaha horumarinta Qaranka iyo dastuurka dalka, marka waa muhiim in qorshahaan la hirgaliyo” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ujeedkooda ugu weyn uu yahay in dalka ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020, waxaana mudooyinkii dambe ay wadeen dadaalo isugu jira dhameystirka hanaanka Axsaabta Siyadeed iyo diyaarinta waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada, iyadoo dhawaan Guddigu shahaadooyinkii diiwanagalinta kumeel gaarka ah ay siiyeen ilaa 7-Xisbi oo ka mid ah ururada Siyaasadeed ee dalka ka jira.

W/D: Cumar Xasan Cali

Previous Post

Tababar ku saabsanaa isla xisaabtanka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Next Post

Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Benaadir oo markale guul gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Benaadir oo markale guul gaaray “SAWIRRO”

Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Benaadir oo markale guul gaaray "SAWIRRO"

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In