Thursday, October 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban oo codsaday in musharixiinta aan lagu xirin sharuudo adag

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
War Saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka 2016-ka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) oo gudanaya waajibka loo igmaday ee kormeerka hannaanka doorashooyinka iyo xaqiijinta in doorashooyinka si isku mid ah uga dhacdo dalka, wuxuu safarro xaqiiqa raadin iyo qiimeyn ah ku tagay deegaan doorashooyinka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, iyada oo si la mid ah deg deg loo soo kormeeri doono deegaan doorashooyinka dhimman.

Safarradaan ayaa ujeedadoodu tahay hubinta in doorashooyinku dalka uga dhacaan si isku mid ah; qiimeynta heerka diyaargarowga Guddiyada Dowlad Goboleedyada ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) ee dhanka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka iyo hubinta in GDGHDD waafaqeen, raaceenna hannaanka doorashada ee la isku raacay.

Related posts

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026

Guddigu wuxuu sidoo kale kormeerkan ugu kuurgalay waafaqsanaanta go’aanadii Madasha Hogganka Qaran (MHQ) ee lagu hubinayey qoondada haweenka ee xildhibaannada Golaha Shacabka ee 2016ka iyada oo dabagal lagu sameeyey qoraal rasmi ah oo GFHDD horey ugu gudbiyey GDGHDD iyo madaxda Dowlad Goboleedyada 19kii bisha Oktoobar ee 2016ka taas oo ku saabsaneyd asteynta kuraasta deegaan doorashadooda ee ay haween kaliya ku tartamayaan.

Kormeerrada illaa iyo hadda laga fuliyey deegaan doorashooyinka kor ku xusan, wuxuu Guddigu si gaar ah diiradda ugu saaray hubinta daahfurnaanta geedi socodka doorashooyinka, iyada oo tallaabooyin wax ku ool ah laga gaaray dhacdooyin walaac leh sida xadgudubyo loo gaystay musharraxiinta qaarkood. Talaabooyinkii la qaaday waxaa ka mid ah in xil doone weerar gaystay lagu qaadayo tallaabooyin sharciyadeed isla mar ahaantaasna laga xayuubiyey in uu u tartamo xildhibaannimo doorashooyinka 2016ka sida ku cad Xeer Anshaha Musharraxiinta (ee lagala soo bixi karo www.doorashada2016.so).

Guddigu wuxuu caddaynayaa in aysan ka mid ahayn shuruudaha doorashooyinka in musharraxiinta lagu xiro warqado caddayn dambi la’aaneed in ay kala yimaadaan hay’adaha amniga. Guddigu waxuu ugu baaqayaa dhammaan maamul goboleedyada in haddii ay jiraan musharraxiin looga reebay musharraxnimadooda warqadaha caddayn dambi la’aaneed ay la wadaagaan xogtooda GFHDD inta aan la qaban doorashada kursiga musharrraxiisa la hakiyay.

GFHDD wuxuu walaac ka muujinayaa cabashooyinka faragalin ee ka soo yeeraya Oday-Dhaqameedyada 135ta ay saxiixeen MHQ iyo wakiilladooda. Haddaba, GFHDD oo u xilsaaran hubinta iyo la shaqeynta Oday dhaqameedyadaas, wuxu xoogga saari doonaa sidii uu gacan uga geysan lahaa xallinta cabashooyinkaas si loo dadajiyo dhammaystirka liisaska ergooyinka dhiman.

Sidoo kale, Guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo dowlad goboleed, in Hannaanka Doorashooyinka 2016ka ee la isku raacay lagu dhisay Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleed oo u xilsaaran hirgelinta, kormeerka iyo fulinta doorashada dadban ee 2016ka. Sidoo kale, dhageysiga dacwadaha iyo xallinta khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka dadban, waxay MHQ u xilsaartay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban. Haddaba, waxaa hay’adaha garsoorka lagu wargelinayaa laguna boorinayaa in ay ogaadaan in guddiyada doorashooyinka dadban loo igmaday dhammaan hannaanka doorashooyinka 2016 ka.

GFHDD wuxuu ka digayaa dhammaan tallaabo walba oo culeys iyo carqaladeyn ku keeni karta ama cagajugleyn loogu geysanayo ergooyinka doorashooyinka, musharraxiinta, oday dhaqameedyada iyo howlwadeennada loo xil saaray hirgelinta iyo xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban 2016ka. Sidoo kale sida ku cad war murtiyeedkii uu GFHDD soo saaray 23/10/2016 ee looga digayay arrimaha dhaawici kara daahfurnaanta doorashooyinka, guddigu wuxuu mar labaad ugu baaqayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ay qusayso doorashadu in laga fogaado isla mar ahaantaasna si wada jir ah looga hortago arrimaha musuqmaasuqa, qof jeclaysiga, iyo faragelinta doorashooyinka.

GFHDD isagoo qaddarinaya marxaladda xasaasiga ah ee fulinta doorashooyinka dadban wuxuu farayaa hay’adaha warbaahinta inay ka fogaadaan tallaabo walba oo carqalad galin karta geedi socodka doorashooyinka 2016ka ama xadgudub ku ah xuquuqda ergooyinka, musharraxiinta iyo howlwadeennada doorashooyinka sida waafaqsan Xeerka Anshaxa ee korjoogayaasha iyo warbaahinta ee Hannaanka Doorashooyinka (ee laga heli karo www.doorashada2016.so).

Waxuu Guddigu ka codsanayaa warbaahinta xorta ah inay door wax ku ool ah ka qaataan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo cadaalad ah taas oo shacabka Soomaaliyeed ku kalsoonaan karo.

Ugu dambeyn Guddigu wuxuu mahadnaq iyo boogaadin u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed, DFS, iyo Dowlad Goboleedyada taageerada ay lagrabtaaganyihiin doorashooyinkan taariikhiga ah ee 2016 ka.
–DHAMMAAD–

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Next Post

Xeer Ilaaliyaha Qaranka: “Kun Laba boqol iyo Labaatan qof ayaa waxa ay ku xiranyihiin 22 dal oo caalamka ah”

Next Post
Xeer Ilaaliyaha Qaranka: “Kun Laba boqol iyo Labaatan qof ayaa waxa ay ku xiranyihiin 22 dal oo caalamka ah”

Xeer Ilaaliyaha Qaranka: "Kun Laba boqol iyo Labaatan qof ayaa waxa ay ku xiranyihiin 22 dal oo caalamka ah"

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In