Wednesday, October 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban oo codsaday in musharixiinta aan lagu xirin sharuudo adag

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
War Saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka 2016-ka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) oo gudanaya waajibka loo igmaday ee kormeerka hannaanka doorashooyinka iyo xaqiijinta in doorashooyinka si isku mid ah uga dhacdo dalka, wuxuu safarro xaqiiqa raadin iyo qiimeyn ah ku tagay deegaan doorashooyinka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, iyada oo si la mid ah deg deg loo soo kormeeri doono deegaan doorashooyinka dhimman.

Safarradaan ayaa ujeedadoodu tahay hubinta in doorashooyinku dalka uga dhacaan si isku mid ah; qiimeynta heerka diyaargarowga Guddiyada Dowlad Goboleedyada ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) ee dhanka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka iyo hubinta in GDGHDD waafaqeen, raaceenna hannaanka doorashada ee la isku raacay.

Related posts

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

October 22, 2025
Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka 

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka 

October 22, 2025

Guddigu wuxuu sidoo kale kormeerkan ugu kuurgalay waafaqsanaanta go’aanadii Madasha Hogganka Qaran (MHQ) ee lagu hubinayey qoondada haweenka ee xildhibaannada Golaha Shacabka ee 2016ka iyada oo dabagal lagu sameeyey qoraal rasmi ah oo GFHDD horey ugu gudbiyey GDGHDD iyo madaxda Dowlad Goboleedyada 19kii bisha Oktoobar ee 2016ka taas oo ku saabsaneyd asteynta kuraasta deegaan doorashadooda ee ay haween kaliya ku tartamayaan.

Kormeerrada illaa iyo hadda laga fuliyey deegaan doorashooyinka kor ku xusan, wuxuu Guddigu si gaar ah diiradda ugu saaray hubinta daahfurnaanta geedi socodka doorashooyinka, iyada oo tallaabooyin wax ku ool ah laga gaaray dhacdooyin walaac leh sida xadgudubyo loo gaystay musharraxiinta qaarkood. Talaabooyinkii la qaaday waxaa ka mid ah in xil doone weerar gaystay lagu qaadayo tallaabooyin sharciyadeed isla mar ahaantaasna laga xayuubiyey in uu u tartamo xildhibaannimo doorashooyinka 2016ka sida ku cad Xeer Anshaha Musharraxiinta (ee lagala soo bixi karo www.doorashada2016.so).

Guddigu wuxuu caddaynayaa in aysan ka mid ahayn shuruudaha doorashooyinka in musharraxiinta lagu xiro warqado caddayn dambi la’aaneed in ay kala yimaadaan hay’adaha amniga. Guddigu waxuu ugu baaqayaa dhammaan maamul goboleedyada in haddii ay jiraan musharraxiin looga reebay musharraxnimadooda warqadaha caddayn dambi la’aaneed ay la wadaagaan xogtooda GFHDD inta aan la qaban doorashada kursiga musharrraxiisa la hakiyay.

GFHDD wuxuu walaac ka muujinayaa cabashooyinka faragalin ee ka soo yeeraya Oday-Dhaqameedyada 135ta ay saxiixeen MHQ iyo wakiilladooda. Haddaba, GFHDD oo u xilsaaran hubinta iyo la shaqeynta Oday dhaqameedyadaas, wuxu xoogga saari doonaa sidii uu gacan uga geysan lahaa xallinta cabashooyinkaas si loo dadajiyo dhammaystirka liisaska ergooyinka dhiman.

Sidoo kale, Guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo dowlad goboleed, in Hannaanka Doorashooyinka 2016ka ee la isku raacay lagu dhisay Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleed oo u xilsaaran hirgelinta, kormeerka iyo fulinta doorashada dadban ee 2016ka. Sidoo kale, dhageysiga dacwadaha iyo xallinta khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka dadban, waxay MHQ u xilsaartay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban. Haddaba, waxaa hay’adaha garsoorka lagu wargelinayaa laguna boorinayaa in ay ogaadaan in guddiyada doorashooyinka dadban loo igmaday dhammaan hannaanka doorashooyinka 2016 ka.

GFHDD wuxuu ka digayaa dhammaan tallaabo walba oo culeys iyo carqaladeyn ku keeni karta ama cagajugleyn loogu geysanayo ergooyinka doorashooyinka, musharraxiinta, oday dhaqameedyada iyo howlwadeennada loo xil saaray hirgelinta iyo xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban 2016ka. Sidoo kale sida ku cad war murtiyeedkii uu GFHDD soo saaray 23/10/2016 ee looga digayay arrimaha dhaawici kara daahfurnaanta doorashooyinka, guddigu wuxuu mar labaad ugu baaqayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ay qusayso doorashadu in laga fogaado isla mar ahaantaasna si wada jir ah looga hortago arrimaha musuqmaasuqa, qof jeclaysiga, iyo faragelinta doorashooyinka.

GFHDD isagoo qaddarinaya marxaladda xasaasiga ah ee fulinta doorashooyinka dadban wuxuu farayaa hay’adaha warbaahinta inay ka fogaadaan tallaabo walba oo carqalad galin karta geedi socodka doorashooyinka 2016ka ama xadgudub ku ah xuquuqda ergooyinka, musharraxiinta iyo howlwadeennada doorashooyinka sida waafaqsan Xeerka Anshaxa ee korjoogayaasha iyo warbaahinta ee Hannaanka Doorashooyinka (ee laga heli karo www.doorashada2016.so).

Waxuu Guddigu ka codsanayaa warbaahinta xorta ah inay door wax ku ool ah ka qaataan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo cadaalad ah taas oo shacabka Soomaaliyeed ku kalsoonaan karo.

Ugu dambeyn Guddigu wuxuu mahadnaq iyo boogaadin u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed, DFS, iyo Dowlad Goboleedyada taageerada ay lagrabtaaganyihiin doorashooyinkan taariikhiga ah ee 2016 ka.
–DHAMMAAD–

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Next Post

Xeer Ilaaliyaha Qaranka: “Kun Laba boqol iyo Labaatan qof ayaa waxa ay ku xiranyihiin 22 dal oo caalamka ah”

Next Post
Xeer Ilaaliyaha Qaranka: “Kun Laba boqol iyo Labaatan qof ayaa waxa ay ku xiranyihiin 22 dal oo caalamka ah”

Xeer Ilaaliyaha Qaranka: "Kun Laba boqol iyo Labaatan qof ayaa waxa ay ku xiranyihiin 22 dal oo caalamka ah"

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

October 22, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, oo booqasho shaqo ku jooga...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka 

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka 

October 22, 2025
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo wafdi ka kooban Xildhibaanno labada Aqal ee Baarlamaanka...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

October 21, 2025
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC...

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

October 21, 2025
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa bogaadiyay tallaabada uu Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In