Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban oo ka hadlay doorashada aqalka Hoose

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban oo ka hadlay doorashada aqalka Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban, Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyay hanaanka loo dooranayo aqalka Hoose iyo sida ay wax u socdaan.

Guddoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso doorashooyinka aqalka Hoose, isla markaana inta badan dowlad goboleedyada ay soo xareeyeen ergooyinka soo dooran lahaa Xildhibaannada aqalka Hoose.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“Ilaa iyo hada ergooyinka la xareeyay, waxaa ugu horeeya dowlad goboleedka Jubbaland oo soo dhameystirtay dhamaan 43 kursi ergooyinka, waxaa kaloo soo diyaariyay dowlad goboleedka Koofurgalbeed oo 57 kursi ergooyinkooda, waxaa soo sedexaaye oo 37 kursi laga rabay, soo diyaariyay 31 kursi, Galmudug 20 kursi ergadooda ayaa diyaar ah, waxaa kaloo diyaar ah 20 kursi oo dhanka Puntland, waxaana rajeyneynaa in la soo dhameystiri doono guud ahaan inta dhiman” ayuu yiri Cumar Dhageey.

Guddoomiyaha guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban, Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey) oo la weydiiyay rajada laga qabo in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay ayaa ku jawaabay.

“Rajada aad bay u muuqataa, marka aad ka qiyaas qaadan karto doorashadii aqalka sare, waqtigii loogu talagalay qaar way ku dhacday, waqti ku dhawna kuwa kale ayaa la qabtay, hada waxaa diyaar ah goobihii codbixinta, howlwadeenadii shaqada qaban lahaa waa diyaar, mar haddii ay howsha socoto, waxaan qabnaa in ay ku dhamaan doonto waqtigii loogu talagalay, ama mid aan ka fogeyn”.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Cumar oo markale ku baaqay in la joojiyo colaadda Gaalkacyo

Next Post

Madaxweynaha hirshabeelle oo la kulmay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka ee heer dowlad goboleed “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha hirshabeelle oo la kulmay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka ee heer dowlad goboleed “SAWIRRO”

Madaxweynaha hirshabeelle oo la kulmay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka ee heer dowlad goboleed "SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In