Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban oo ka hadlay doorashada aqalka Hoose

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban oo ka hadlay doorashada aqalka Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban, Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyay hanaanka loo dooranayo aqalka Hoose iyo sida ay wax u socdaan.

Guddoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso doorashooyinka aqalka Hoose, isla markaana inta badan dowlad goboleedyada ay soo xareeyeen ergooyinka soo dooran lahaa Xildhibaannada aqalka Hoose.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

“Ilaa iyo hada ergooyinka la xareeyay, waxaa ugu horeeya dowlad goboleedka Jubbaland oo soo dhameystirtay dhamaan 43 kursi ergooyinka, waxaa kaloo soo diyaariyay dowlad goboleedka Koofurgalbeed oo 57 kursi ergooyinkooda, waxaa soo sedexaaye oo 37 kursi laga rabay, soo diyaariyay 31 kursi, Galmudug 20 kursi ergadooda ayaa diyaar ah, waxaa kaloo diyaar ah 20 kursi oo dhanka Puntland, waxaana rajeyneynaa in la soo dhameystiri doono guud ahaan inta dhiman” ayuu yiri Cumar Dhageey.

Guddoomiyaha guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban, Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey) oo la weydiiyay rajada laga qabo in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay ayaa ku jawaabay.

“Rajada aad bay u muuqataa, marka aad ka qiyaas qaadan karto doorashadii aqalka sare, waqtigii loogu talagalay qaar way ku dhacday, waqti ku dhawna kuwa kale ayaa la qabtay, hada waxaa diyaar ah goobihii codbixinta, howlwadeenadii shaqada qaban lahaa waa diyaar, mar haddii ay howsha socoto, waxaan qabnaa in ay ku dhamaan doonto waqtigii loogu talagalay, ama mid aan ka fogeyn”.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Cumar oo markale ku baaqay in la joojiyo colaadda Gaalkacyo

Next Post

Madaxweynaha hirshabeelle oo la kulmay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka ee heer dowlad goboleed “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha hirshabeelle oo la kulmay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka ee heer dowlad goboleed “SAWIRRO”

Madaxweynaha hirshabeelle oo la kulmay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka ee heer dowlad goboleed "SAWIRRO"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In