Guddiga Haweenka Xuquuqul Insaanka iyo Arrimaha Beni’aadannimada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar muddo labo cisho ah u socday ugu soo gabo gaboobay Muqdisho.
Tababarkaan oo ku saabsanaa Fahamka Xuquuqul Insaanka iyo Doorka Baarlamaanka ee Ilaalinta Sharciga iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa Intii uu socday tababarka waxaa ka faa’iideystay xubnaha Guddigga Haweenka Xuquuqul Insaanka iyo Xildhibaanno kale oo ka tirsan Golaha Shacabka.
Gabagabadii, Gai oo ah u qaabilsanaha UNSOM arrimaha Siyaasadda iyo Scott, oo u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka ayaa sheegey in tababaridda guddiga ay joogteyn doonaan, si dhowna guddiga ula shaqeyn doonaan.
Sidoo kale Madaxa Hay’adda WHO ee Soomaaliya Dr. Mamunur Rahman ayaa ka hadley doorka baarlamaanka ee ka shaqeynta sharciyada xakameynayo mukhaadaraadka, dhibaatooyinka ay la kulmaan haweenka xilliga dhalmada.
Ugu dambeyntii tababarka waxaa soo xirtay xoghayaha guddigga Xuquuqul Insaanka Xildhibaan Cadar Cali Maxamed iyada oo u mahadcelisey khubarada bixinayay tabarka, kuwaasi oo ka socday UNSOM sidoo kale waxa ay umahadcelisay xubnaha guddiga iyo Xildhibaannada kale ka tirsan Golaha Shacabka oo ka qeyb galey labadii maalin ee uu socday tababarka, kaas oo diiradda lagu saaray Fahamka Xuquuqul Insaanka iyo Doorka Baarlamaanka ee Ilaalinta Sharciga iyo Horumarinta Xuquuqda Insaanka.