Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga hourmarinta adeegga bulshada ee Golaha Aqalka Sare oo la kulmay qeybaha bulshada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddiga hourmarinta adeegga bulshada ee Golaha Aqalka Sare oo la kulmay qeybaha bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kullankaan ay Guddiga hourmarinta adeegga bulshada, Arrimaha beni’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay la yeesheen dhaqaatiirta Caafimaadka, Ururada Bulshada Rayidka iyo dadka baahiyaha gaarka qabo ayaa waxaa looga hadlayay Hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka ee ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Prof,  Cismaan Xaaji  Maxamud Dufle oo ka mid ah Guddiga hormarinta adeega bulshada, arrimaha beni’aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka ahna Gudi Hoosaadka caafimaadka ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimadda Hindise Sharciyeedka uu u leeyahay bulshada, loona baahanyahay in  bahda mihnadlayaasha ay soo bandhigaan fikirkooda

Related posts

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta Caafimaadka, Ururada Bulshada rayidka iyo dadka baahiyaha gaarka qabo ayaa ka hadlay Hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka, waxa ayna sheegeen in xiligaan loo baahnaa Sharcigaan ay Wasaaradda Caafimaadka soo bandhigtay.

Senator Samsam Daahir Maxamuud Xoghayaha Guddiga horumarinta adeegga bulshada ee golaha aqalka sare ayaa sheegtay in loo baahanyahay Arragtida Bahda Caafimaadka, ayna diyaar u yihiin inay arruuriyaan tallooyinkooda.

Axmed Macalin Cumar Axmed Nadiir Guddomiyaha Guddiga horumarinta adeegga bulshada, arrimaha beni’aadanimada, Warfaafinta iyo dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadceliyay qeybaha kala duwan ee ka soo qeyb-galay kullankaan wadatashiga ah oo looga tashanayay hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka.

Sharcigaan ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana  horey usoo ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaloya, haatana  wuxuu horyaalaa  golaha Aqalka Sare.

 

Previous Post

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo dad rayid ah dhacayay

Next Post

Dhagar qabe u kala gudbin jiray hubka fudud Al-shabaab oo la xukumay

Next Post
Dhagar qabe u kala gudbin jiray hubka fudud Al-shabaab oo la xukumay

Dhagar qabe u kala gudbin jiray hubka fudud Al-shabaab oo la xukumay

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In