Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare oo warbixin ka dhagaystay Madaxweynaha Galmudug

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare oo warbixin ka dhagaystay Madaxweynaha Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo maanta hortagay guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare BFS, kadib kulan gaar ah oo lagu casuumay ayaa goluhu ka dhagaystay warbixin.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xarunta golaha ku soo dhaweeyey madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inay ahmiyad wayn leedahay wada shaqeyta golaha aqalka sare iyo dowlad Goboleedyada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweyne Qoorqoor ayaa guddiga joogtada ah ee aqalka sare uga warbixiyey guud ahaan xaaladaha Galmudug iyo horumaradii ay samaysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, wuxuuna si gaar ah diradda u saaray shirirakii kala dambeeyey ee caasimadda Galmudug lagu qabtay, kuwaas oo shirkii u dambeeyey uu ka soo baxay heshiis gundhig u noqon kara hanaanka doorashada dalka oo wali wadatashiyo ku saabsan ay socdaan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Qoorqoor ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirka Muqdisho uga socda dawlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dawladda Federaalka inuu ku soo dhammaado natiijo wanaagsan iyo isu tanaasul, laguna saxiixo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay.

Tags: Guddiga joogtada ah ee aqalka sare oo warbixin ka dhagaystay Madaxweynaha Galmudug
Previous Post

Kulan lagu Muujinayay Doorka Dhalinyarada ay ku leeyihin Hormarka Dalka oo Muqdisho lagu qabtay+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In