Thursday, January 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka oo ka hadlay sidii loo casriyeyn lahaa howlaha baarlamaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo la kulmay guddoonka baarlamaanka Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay kasoo qeybgaleen Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayadoo sidoo kalena shirka ay goobjoog ka ahaayeen quburro ka socotay hay’adda UNDP oo Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta.

Ajndaha kulanka waxaa ugu horeeyey oo laga hadlay casriyeynta howlaha Baarlamaanka si la mid ah Baarlamaannada Caalamka, waxaana quburrada iyo guddiga joogtada ahi ay is dhaafsadeen sida ugu haboon uguna dhaqsiyaha badan ee loo horumarin karo howlaha Golaha sidoo kalena waxaa laga hadlay shaqooyinka guddiyada Joogtada iyo sidii loo fududeyn lahaa si gaar ah guddiyada hada gacanta ku haya sharciyada la doonayo in lagu ansixiyo Kalfahigan 7aad.

Related posts

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

December 31, 2025
Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

December 31, 2025

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) oo markii uu kulankaasi soo geba geboobay kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in sidoo kale ay guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabku ka hadleen ajandeyaasha kulamada ugu soo horeeya ee Baarlamaanka, si gaar ahna shuruucda horutebinta leh oo ay koow ka tahay sharciga lagu dhisayo Maxkamadda Dastuuriga ah ee Dalka.

Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban Guddoonka Golaha Shacabak, guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah,habdhowreyaasha iyo xoghayaha guud ee Golaha ayaa inta badan dejiya ajandayaasha kulanka Baarlamaanka, waxaana kulankoodan uu imaanayaa xilli Baarlamaanka uu ku guda jiro maalmihiisii ugu horeeyey ee Kalfadhiga 7aad waloow kulankoodii ugu dambeeyey uu u qabsoomi waayey soo xaadirid la’aan ama ka qeybgalka Xildhibaannada oo aan loo fulin sidii ay xeer hoosaadkooda ku qorteen oo ah 50+1 tirada guud ee Golaha hadii aan tiro ahaan u iraahdana waa 139 Xildhibaan kaliya.

Previous Post

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo dalka dib ugu soo laabtay “SAWIRRO”

Next Post

Doodda Kordhinta xubnaha Joogtada ah ee golaha Ammaanka

Next Post
Doodda Kordhinta xubnaha Joogtada ah ee golaha Ammaanka

Doodda Kordhinta xubnaha Joogtada ah ee golaha Ammaanka

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

December 31, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mahadnaq ballaaran u jeedinaysaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee garab-istaagga iyo taageerada buuxa u muujiyay...

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

December 31, 2025
0

Munaasabad kooban oo lagu daahfurayay xarunta cusub ee Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta ee NIRA ayaa lagu qabtay magaalada Ceeldheer ee...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo wada hadal la yeeshay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Somalia, Saudi Arabia Reaffirm Support for Somalia’s Sovereignty

December 31, 2025
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Wednesday with his...

President Hassan Sheikh Announces Major Oil and Gas Breakthrough; Turkish Drilling Ship Set for Historic Deployment

President Hassan Sheikh Announces Major Oil and Gas Breakthrough; Turkish Drilling Ship Set for Historic Deployment

December 31, 2025
0

The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, has made a historic announcement declaring significant progress...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In