Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka oo ka hadlay sidii loo casriyeyn lahaa howlaha baarlamaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo la kulmay guddoonka baarlamaanka Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay kasoo qeybgaleen Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayadoo sidoo kalena shirka ay goobjoog ka ahaayeen quburro ka socotay hay’adda UNDP oo Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta.

Ajndaha kulanka waxaa ugu horeeyey oo laga hadlay casriyeynta howlaha Baarlamaanka si la mid ah Baarlamaannada Caalamka, waxaana quburrada iyo guddiga joogtada ahi ay is dhaafsadeen sida ugu haboon uguna dhaqsiyaha badan ee loo horumarin karo howlaha Golaha sidoo kalena waxaa laga hadlay shaqooyinka guddiyada Joogtada iyo sidii loo fududeyn lahaa si gaar ah guddiyada hada gacanta ku haya sharciyada la doonayo in lagu ansixiyo Kalfahigan 7aad.

Related posts

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) oo markii uu kulankaasi soo geba geboobay kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in sidoo kale ay guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabku ka hadleen ajandeyaasha kulamada ugu soo horeeya ee Baarlamaanka, si gaar ahna shuruucda horutebinta leh oo ay koow ka tahay sharciga lagu dhisayo Maxkamadda Dastuuriga ah ee Dalka.

Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban Guddoonka Golaha Shacabak, guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah,habdhowreyaasha iyo xoghayaha guud ee Golaha ayaa inta badan dejiya ajandayaasha kulanka Baarlamaanka, waxaana kulankoodan uu imaanayaa xilli Baarlamaanka uu ku guda jiro maalmihiisii ugu horeeyey ee Kalfadhiga 7aad waloow kulankoodii ugu dambeeyey uu u qabsoomi waayey soo xaadirid la’aan ama ka qeybgalka Xildhibaannada oo aan loo fulin sidii ay xeer hoosaadkooda ku qorteen oo ah 50+1 tirada guud ee Golaha hadii aan tiro ahaan u iraahdana waa 139 Xildhibaan kaliya.

Previous Post

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo dalka dib ugu soo laabtay “SAWIRRO”

Next Post

Doodda Kordhinta xubnaha Joogtada ah ee golaha Ammaanka

Next Post
Doodda Kordhinta xubnaha Joogtada ah ee golaha Ammaanka

Doodda Kordhinta xubnaha Joogtada ah ee golaha Ammaanka

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In