Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare oo maanta qodobo muhiim ah ka hadlay+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare oo maanta qodobo muhiim ah ka hadlay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare oo maanta kullan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen arrimo muhiim ah oo ay ugu horeyso diyaarinta qorshaha berito ah oo kullanka guud ee Golahu uu dhacayo,waxaana kullanka beri diirada lagu saari doonaa dib u eegista xeer hoosaadka Aqalka wax ka bedelna lagu sameyn doono.

Xoghayaha Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare Cali Maxamed Jaamac oo kullanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay kullanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare.

“ Maanta oo ay taariikhda ahayd 28ka bisha April ee 2018-ka,Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu lahaa fadhigiisii 9-aad waxaa lagaga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu muhiimsaneyd diyaarinta Agendaha berito oo kullanka guud ee Golaha uu dhacayo “ Inshallah”,Agendaha looga hadli doono waxaa ka mid ah dib u eegista Xeer hoosaadka oo wax ka bedel lagu sameyn doono oo uu Aqalka sare u soo gudbiyay Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaad”, ayuu yiri Xoghaye Cali Jaamac Maxamed.

Sidoo kale,Xoghayaha Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kullanka Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare lagaga arrinsaday arrimaha Amniga Golaha iyo Qaranka intaba,waxayna sidoo kale Guddiga joogtada ah isla soo hadal qaadeen masiibada bini-aadanimo ee ka taagan deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo dad badan ay saameyn ku yeesheen Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa dadaal ugu jira dardar gelinta qorshe howleedka Golaha,waxayna isku raaceen in arrinta fatahaada Baladweyne iyo saameynta dadweynaha ka soo gaaray looga doodo kullanka guud ee Golaha uu yeelanyo.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Guddi u saaray Masiibada Baladweyne

Next Post

Xildhibaanada Aqalka sare oo Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in loo gurmado Shacabka Baladweyne+Sawirro

Next Post
Xildhibaanada Aqalka sare oo Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in loo gurmado Shacabka Baladweyne+Sawirro

Xildhibaanada Aqalka sare oo Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in loo gurmado Shacabka Baladweyne+Sawirro

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In