Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Kahor Tagga COVID-19 Oo Ka Digay Khatarta Ka Dhalan Karta Qarsashada Cudurka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddiga Kahor Tagga COVID-19 Oo Ka Digay Khatarta Ka Dhalan Karta Qarsashada Cudurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje, oo caawa ka war bixiyay dadaallada ay wadaan guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19, ayaa bulshada Soomaaliyeed uga digay khatarta iyo saameynta ay yeelan karto in bukaannadu qarsadaan cudurkaan halista badan ee laayaanka ah.

Dr Maxmed Cali Fuje waxuu caddeeyay in guddigu bixiyeen dadaallo guuleystay, si habsami lehna u socdaan howalaha xarumaha caafimaadka ee loo diyaarshay in dadka lagu baaro, kuwa bukaannada lagu daweeyo iyo xarunta xariirka COVID-19 ee bulsha lagula socodsiiyo talooyinka ay u baahanyihiin, sidoo kalana looga gurmado dadka u baahan gurmadka degdegga ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dhaqtarka ayaa ku celiyay in dadaalkaas oo dhan sababta loo bixinayo ay tahay in kor loo qaado heerka bed-qabka bulshada, hase yeeshee hadii dadku ay qarsadaan cudurka oo aysan tegin goobaha baarista oo aysan raadsan talooyin caafimaad, ay keeneyso in cudurku uu sii faafo, oo dhibaato uu gaarsiiyo dad badan oo la badbaadin kari lahaa.

Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19 ayaa ku taliyay in qof kasta oo isaga shakiya cudurkaan uu la xariixo xarunta xariirka COVID-19, lana raaco talooyinka la siinayo, si guul looga gaaro dadaallada naf-baadinta ee lagu doonayo inay daryeel buuxa ku helaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Kulanka Guddoomiyaasha Guddiga Dowlad Gobaleedyada Ee Ka Hortagga COVID-19

Next Post

Dowladda Oo Xaqiijisay in ay soo Kordheen Xaalado Cusub oo COVID-19 Ah

Next Post
Dowladda Oo Xaqiijisay in ay soo Kordheen Xaalado Cusub oo COVID-19 Ah

Dowladda Oo Xaqiijisay in ay soo Kordheen Xaalado Cusub oo COVID-19 Ah

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In