Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Kheyraadka Biyaha Aqalka sare iyo Xubno ka socda Maamul Goboleedyada oo ka shiray sharciga Keyraadka Biyaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga Kheyraadka Biyaha Aqalka sare iyo Xubno ka socda Maamul Goboleedyada oo ka shiray sharciga Keyraadka Biyaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Kheyraadka Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare iyo Xubno ka socda Maamul Gobolleedyada dalka ayaa maanta kullan wadatashi ah oo ku saabsan Keyraadka biyaha dalka ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo furay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay in shuruucda dalka loo sameynayo in si wadajir ah kaalin looga qaato, isla markaana Maamul Goboleedyada laga tali geliyo sameynta sharciga Keyraadka Biyaha dalka si tabashada iman karta xal wadajir ah looga gaaro.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka sare ayaa uga mahad celiyay abaabulka iyo kaalinta uu ka qaatay sameynta shuruucda Kheyraadka Biyaha dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka sare Senator Ilyaas Cali Xasan oo kullanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee shirka uu yahay in laga wadatashado sharciga Kheyraadka Biyaha oo uu sheegay iney gacanta ku hayaan.

Sharciga Kheyraadka Biyaha ayaa horay u soo maray Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Wasiirki Biyaha iyo Tamarta u gudbiyay,waxaana ka dib loo soo gudbiyay Golaha Aqalka sare oo isla Wasiirka akhrinta koowaad ka horjeediyay Xildhibaanada Golaha Aqalka sare.

Shirka oo maanta furmay ayuu Senator Ilyees Cali Xasan wuxuu tilmaamay in Xubnaha ka socda Maamul Gobolleedyada iyo iyagaba dhowrka maalmood ee soo socda ka wada arrinsan doonaan ka dibna ay ka soo saari doonaan sharci loo wada dhan yahay oo laga talageliyay dhammaan xubnaha uu sharcigan quseeyo.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Kheyraadka Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa sheegay in maalinta berito ah isugu yeeri doonaan boqol Xubnood oo ka socda Gobolka Banaadir si ay uga wada hadlaan Hindise sharciyeedka Kheyraadka biyaha dalka,kuwaasi oo looga baahan yahay iney taladooda ku darsadaan sharcigan.

Previous Post

Masuuliyiin ka tirsanTaliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu soo dhoweeyey Dalka Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka Hirshabeelle oo dar dar gelinaya howlaha Kalluumeysatada Gobolka Shabeelaha dhexe

Next Post
Maamulka Degmada Warshiiq oo ka warbixiyey xaalada Degmada Warshiiq.

Maamulka Hirshabeelle oo dar dar gelinaya howlaha Kalluumeysatada Gobolka Shabeelaha dhexe

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In