Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga KMG ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka oo Guddoon doortay+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Guddiga KMG ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka oo Guddoon doortay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga wadajirka ku meelgaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka oo maanta yeeshay kulankoodii labaad ayaa ku doortay  guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo xoghayaha guddiga.

Kulanka waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdi-weli Shiekh Ibraahim Muudeey.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Guddoomiyaha Guddiga wadajirka ku meelgaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa loo doortay xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow halka Guddomiye ku xigeenka guddiga loo doortay senator jawaahir Axmed cilmi iyadoo Xoghayaha guddigana loo doortay xildhibaan lufti shariif maxamed.

Guddigaan oo ay horay u magacaabeen guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka dalka ayaa shaqadoodu tahay sida ay u soo dhamaystir lahaayeen xeerarka muhiimka u ah sharciga doorashooyinka qaranka oo ay horay u ansaxiyeen labada aqal ee baarlamaanka,isla markaana uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulllahi Maxamed Farmaajo.

Guddoomiye ku xigeenka kobaad ee Golaha Shacabka Mudane Abdi-Weli Shiekh Ibraahim muudeey ayaa kula dardaarmay Guddiga wadajirka ku meelgaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka in ay soo dadajiyaan xeerarka muhiimka u ah sharciga doorashooyinka qaranka.

Previous Post

Baarlamaanka Hirshabeelle oo Maanta ansixiyay miisaaniyadda 2020 ee maamulkaasi

Next Post

Wasaaradda amniga XFS oo beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyay

Next Post
Wasaaradda amniga XFS oo beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyay

Wasaaradda amniga XFS oo beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In