Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Maaliyadda Labada Aqal oo kulan la qaatay Wasiirka Caafimaadka XFS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddiga Maaliyadda Labada Aqal oo kulan la qaatay Wasiirka Caafimaadka XFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiyada Maaliyadda ee labada aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan su’aalo weydiin ah xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda, agaasimaha guud ee Wasaaradda, iyo sidoo kale madaxda mashaariicda ay wasaaradda dalka maamusho.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha Guddiga Maaliyada, Miisaaniyada Qorshaynta iyo La xisaabtanka hay’adaha Dawladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa ujeedkiisu ahaa In mas’uuliyiinta wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo uu wasiirka ugu horeeyo wax laga weydiiyo Mashaaricda wasaaradda caafimadka ee gaabiska ka jiro iyo Caqabadaha haysta mashaariicda caafimaad ee dalka ka socota.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Xubnaha guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Wasiirka Caafimaadka iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda su’aalo adag ka weydiiyay Mashaariicda Miisaaniyada ku jirta oo ay Wasaaradda maamusho gaabiska jira iyo kuwa Dalka ka socda ee aan miisaaniyadda ku jirin.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada, Miisaaniyadda Qorshaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dawladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka uga mahadceliyay ka jawaabista u yeeritaanka guddiga,waxaana dhanka kale uu sheegay in guddiga looga baahanyahay in ay qoraal faahfaahsan kusoo gudbiyaan mashaariicda caafimaadka la xiriira ee dalka ka socda.

Previous Post

Agaasimaha Machadka Caafimaadka Qaranka oo qaabilay wafdi ka socday WHO

Next Post

Kulan looga hadlayay la dagaallanka Afkaarta Khaldan ee Khawaarijta oo lagu qabta Hobyo

Next Post
Kulan looga hadlayay la dagaallanka Afkaarta Khaldan ee Khawaarijta oo lagu qabta Hobyo

Kulan looga hadlayay la dagaallanka Afkaarta Khaldan ee Khawaarijta oo lagu qabta Hobyo

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In