Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Maamulka Maaliyadda oo soo dhoweeyey wakillka cusub ee IMF u soo magacowday Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddiga Maamulka Maaliyadda oo soo dhoweeyey wakillka cusub ee IMF u soo magacowday Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

FGS Picture

Related posts

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026

Guddiga Maamulka Maaliyadda ayaa 15 Janaayo 2017 ku qabtay kulankiisii 20aad  ee bilaha ahaa magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Kulankaan ayaa guddigu kaga dooday horumarada uu Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ka sameeyey daba galka hantida ku abaaday akoonadii Bangigii Ganacsiga Soomaaliya ku lahayd dibadaha.  Guddiga maaliyadu waxay siiyeen ogolaansho uu bangiga Dhexe ku sii wadi karo hawlaha uu ku furayo akoon hoosaad laga dhex furayo mid ka mid ah akoonada horay u jiray ee Bangiga Dhexe si loogu soo wareejiyo hantida ku raagtay Bangiyada Caalamka. Tani waxay fududaynaysaa habka bixinta lacagaha laga helay afar bangi,  ayna ku soo wareejin doonaan akoon xisaabeedkaan, waxaa kale oo socda hawlo lagu xaqiijinayo hantida bangiyada kale weli ku harsan.

Guddiga maamulka maaliyadu waxay isla diyaariyeen qoraal qabyo ah oo heshiis is faham ah, una dhexeeya wasaaradda maaliyadda iyo Bangiga Dhexe  si ay u wada furaan akoono xisaabeed laga furayo Bangiyada Ganacsiga oo lagu rido canshuuraha, akoonkaas oo uu maamulayo Bangiga Dhexe . Qoraalka heshiiskaan waxaa loo gudbinayaa Xeer ilaaliyaha guud ee wadanka si uu u meel mariyo. Tani waxay horumarinaysaa hufnaanta canshuuraha la qaaday, waxayna kordhinaysa qanacsanaanta canshuur bixiyayaasha,  iyadoona kor u qaadaysa hanaanka horumarinta xisaabaadka ganacsiga.

Guddiga maamulka maaliyadda wuxuu ku cadeeyey warbixintiisii afraad ee Maamulka maaliyada waxyaabihii uu dib u eegidda ku sameeyey tan iyo sanadkii 2014, isagoo xaqiijiyey caqabadaha taagan ee la xaliyey. Warbixinta ayaa la rajaynayaa inay soo dhamaystiranto bisha Marso ee 2017, waxaana laga hor akhriyi doonaa dowladda imaan doonta, iyadoo lagu faahfaahinayo arrimahaa maamulka maaliyadda iyo siday u kala muhiimsan yihiin hawlaha loo bahan yahay.

Wasiirka maaliyadda ahna madaxa Guddiga Maamulka Maaliyadda ee dawladda Mudane Mohamed Aadan Ibraahim Fargeeto ayaa soo dhoweyey  Mudane Samba Thiam  oo ah u qaybsanaha hay’adda lacagta aduunka ee IMF Soomaaliya, waana xubinta u metalaysa hay’adda IMF guddiga Maamulka Maaliyada. Madaxa guddiga maaliyadu wuxuu soo dhoweyey ka qayb galka IMF ee hawlaha Guddiga, iyagoona tilmaamay muhiimadda uu leeyahay iyo dadaalka uu wado ee lagu hormarinayo hanaanka hufnaanta maaliyadda, waxayna IMF sheegtay inay sii wadayso la shaqaynta guddiga.

Dawladda Federaalka Somaaliya oo kaashanaysa Bangiga Aduunka ayaa si wada jir ah u dhisay sanadkii 2014 Guddigaan oo ah mid heerkiisu sareeyo oo wada jir ah oo dhinaca maaliyadda ah, si loo kordhiyo ogaansha iyo hufnaanta qaybaha muhiimka ah ee Maamulka Maaliyadda. Guddigaan Maamulka Maaliyada waxaa maal geliya Sanduuqa  isku dhafka deeqaha Soomaaliya (MPF) loo soo gaabiyo. Wuxuuna qabtaa sahaminta iyo go’aaminta hawlaha aasaasiga ah iyo kuwa farsamo ee lagu horumarinayo wada shaqaynta laamaha maaliyadda.

Guddiga Maamulka Maaliyadu wuxuu ka kooban yahay xubno ka kala socda Wasaaradda Maaliyadda oo ah hogaanka guddiga, Bangiga Dhexe, Guddiga maaliyada ee baarlamaanka, Xubin ka socota Xafiiska Madaxweynaha, xubin ka socota xafiiska Raysal Wasaaraha, Xeer ilaaliyaha guud ee wadanka iyo hay’addaha caalamiga ee dhinaca lacagta ee kala ah Bangiga Aduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF iyo Deeq bixiyayaasha.

 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Wafdi ka socoda Wasaaradda ganacsiga oo kulmay Ururka ganacsiga ee wax dhoofinta dalka Turkiga TIM “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi ka socoda Wasaaradda ganacsiga oo kulmay Ururka ganacsiga ee wax dhoofinta dalka Turkiga TIM “SAWIRRO”

Wafdi ka socoda Wasaaradda ganacsiga oo kulmay Ururka ganacsiga ee wax dhoofinta dalka Turkiga TIM "SAWIRRO"

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay...

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo kala jeeda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Waqooyi Bari...

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In