Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Maamulka Maaliyadda oo soo dhoweeyey wakillka cusub ee IMF u soo magacowday Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddiga Maamulka Maaliyadda oo soo dhoweeyey wakillka cusub ee IMF u soo magacowday Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

FGS Picture

Related posts

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026

Guddiga Maamulka Maaliyadda ayaa 15 Janaayo 2017 ku qabtay kulankiisii 20aad  ee bilaha ahaa magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Kulankaan ayaa guddigu kaga dooday horumarada uu Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ka sameeyey daba galka hantida ku abaaday akoonadii Bangigii Ganacsiga Soomaaliya ku lahayd dibadaha.  Guddiga maaliyadu waxay siiyeen ogolaansho uu bangiga Dhexe ku sii wadi karo hawlaha uu ku furayo akoon hoosaad laga dhex furayo mid ka mid ah akoonada horay u jiray ee Bangiga Dhexe si loogu soo wareejiyo hantida ku raagtay Bangiyada Caalamka. Tani waxay fududaynaysaa habka bixinta lacagaha laga helay afar bangi,  ayna ku soo wareejin doonaan akoon xisaabeedkaan, waxaa kale oo socda hawlo lagu xaqiijinayo hantida bangiyada kale weli ku harsan.

Guddiga maamulka maaliyadu waxay isla diyaariyeen qoraal qabyo ah oo heshiis is faham ah, una dhexeeya wasaaradda maaliyadda iyo Bangiga Dhexe  si ay u wada furaan akoono xisaabeed laga furayo Bangiyada Ganacsiga oo lagu rido canshuuraha, akoonkaas oo uu maamulayo Bangiga Dhexe . Qoraalka heshiiskaan waxaa loo gudbinayaa Xeer ilaaliyaha guud ee wadanka si uu u meel mariyo. Tani waxay horumarinaysaa hufnaanta canshuuraha la qaaday, waxayna kordhinaysa qanacsanaanta canshuur bixiyayaasha,  iyadoona kor u qaadaysa hanaanka horumarinta xisaabaadka ganacsiga.

Guddiga maamulka maaliyadda wuxuu ku cadeeyey warbixintiisii afraad ee Maamulka maaliyada waxyaabihii uu dib u eegidda ku sameeyey tan iyo sanadkii 2014, isagoo xaqiijiyey caqabadaha taagan ee la xaliyey. Warbixinta ayaa la rajaynayaa inay soo dhamaystiranto bisha Marso ee 2017, waxaana laga hor akhriyi doonaa dowladda imaan doonta, iyadoo lagu faahfaahinayo arrimahaa maamulka maaliyadda iyo siday u kala muhiimsan yihiin hawlaha loo bahan yahay.

Wasiirka maaliyadda ahna madaxa Guddiga Maamulka Maaliyadda ee dawladda Mudane Mohamed Aadan Ibraahim Fargeeto ayaa soo dhoweyey  Mudane Samba Thiam  oo ah u qaybsanaha hay’adda lacagta aduunka ee IMF Soomaaliya, waana xubinta u metalaysa hay’adda IMF guddiga Maamulka Maaliyada. Madaxa guddiga maaliyadu wuxuu soo dhoweyey ka qayb galka IMF ee hawlaha Guddiga, iyagoona tilmaamay muhiimadda uu leeyahay iyo dadaalka uu wado ee lagu hormarinayo hanaanka hufnaanta maaliyadda, waxayna IMF sheegtay inay sii wadayso la shaqaynta guddiga.

Dawladda Federaalka Somaaliya oo kaashanaysa Bangiga Aduunka ayaa si wada jir ah u dhisay sanadkii 2014 Guddigaan oo ah mid heerkiisu sareeyo oo wada jir ah oo dhinaca maaliyadda ah, si loo kordhiyo ogaansha iyo hufnaanta qaybaha muhiimka ah ee Maamulka Maaliyadda. Guddigaan Maamulka Maaliyada waxaa maal geliya Sanduuqa  isku dhafka deeqaha Soomaaliya (MPF) loo soo gaabiyo. Wuxuuna qabtaa sahaminta iyo go’aaminta hawlaha aasaasiga ah iyo kuwa farsamo ee lagu horumarinayo wada shaqaynta laamaha maaliyadda.

Guddiga Maamulka Maaliyadu wuxuu ka kooban yahay xubno ka kala socda Wasaaradda Maaliyadda oo ah hogaanka guddiga, Bangiga Dhexe, Guddiga maaliyada ee baarlamaanka, Xubin ka socota Xafiiska Madaxweynaha, xubin ka socota xafiiska Raysal Wasaaraha, Xeer ilaaliyaha guud ee wadanka iyo hay’addaha caalamiga ee dhinaca lacagta ee kala ah Bangiga Aduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF iyo Deeq bixiyayaasha.

 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Wafdi ka socoda Wasaaradda ganacsiga oo kulmay Ururka ganacsiga ee wax dhoofinta dalka Turkiga TIM “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi ka socoda Wasaaradda ganacsiga oo kulmay Ururka ganacsiga ee wax dhoofinta dalka Turkiga TIM “SAWIRRO”

Wafdi ka socoda Wasaaradda ganacsiga oo kulmay Ururka ganacsiga ee wax dhoofinta dalka Turkiga TIM "SAWIRRO"

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026
0

Waxa aan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In