Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo lagu wareejiyay dhul laga dhisayo xafiisyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo lagu wareejiyay dhul laga dhisayo xafiisyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhul baaxadiisa ay dhan tahay 16,080-Mitir isku wareeg ah oo laga dhisi doono Xarunta Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayuu Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa magaalada Mudisho maanta ku wareejiyay Guddiga, iyadoo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka  oo ay wehlinayeen Guddoomiye ku xigeenka iyo xubnaha kale ee Guddiga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay kormeer ku soo sameeyeen dhulkaasi oo dhismihiisa dhawaan la bilaabi doono.

Xarunta loo sameynayo Guddiga oo laga dhisayo agagaarka garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa qarashka ku baxaya waxaa bixinaya Dowladda Japan iyo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta mashaariicda ee magaceeda loosoo gaabiyo UNDP, wuxuuna dhismaha Xarunta socon doonaa mudo saddex sano ah.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xalimoo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo si wadajir ah ula hadleen Warbaahinta Qaranka, waxaana Gudoomiye Yuusuf oo hadalka ku hormaray uu sheegay in ujeedka guddiga loo siiyay dhulkan ay tahay in shacabka iyo siyaasiyiinta dowladda ka madax banaan ay fursad uheelaan inay la macaamilaan Guddigan oo u xilsaaran hirgalinta Doorasha qof iyo cod ah oo la filayo in sanadka 2020 ay dalkeena ka dhacdo.

“Maanta dhulkaan aan guddiga doorashooyinaka Qaranka ku wareejinay wxuu dhan yahay 16,080 km square ah awalna dhulkana dannguud ayuu ahaa hadabna waa danguud waxcaana ugu talagalanay in gudigana Ummadda uu u dhexeeyo oo ay kasoo guuraan Madaxtooyada si mucaaradka iyo shacabkaba ay ula shaqeeyaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa baanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xalimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa dhankeeda u mahadcelisay Maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda kale ee Dowladda iyo dhinacayada ka tagaeeraya dhismaha xarunta, waxayna talaabo wanaagsna ku tilmaamtay in Guddigu uu ku shaqeyn doono goob kabaxsan xarunta Madaxtooyada oo hada si KMG ah ay ugu shaqeeyaan.

“Waa u mahadcelineynaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo runtii qeyb fiican ka qaatay in gudigeena dhulkaan weyn lasiiyo madaxda Dowladda ayagana waa mahadsan yihijin, sida ay u garteen ,Dowladda Japan iyo hay’adda UNDP iyo UNSOM ayaa dhismahaan naga caawinaaya ayakanaa waa u mahadcelineynaa”ayay tiri Xaliimo Yareey.

vlcsnap-2016-09-10-15h53m06s103 vlcsnap-2016-09-10-15h58m28s40 vlcsnap-2016-09-10-16h00m46s186 vlcsnap-2016-09-10-16h03m33s59 vlcsnap-2016-09-10-16h05m18s87

 

Previous Post

Hay’adaha ammaanka oo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In