Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo shahaadooyin ku-meel gaar ah guddoonsiiyey Xisbiyo cusub+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo shahaadooyin ku-meel gaar ah guddoonsiiyey Xisbiyo cusub+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaafiiska Diiwaan-geliyaha Xisbiyada Siyaasadda ee GMDQ ayaa shahaadooyin ku-meel-gaar ah guddoonsiiyey Lix (6) Xisbi oo cusub oo ka mid noqon doona xisbiyada sida ku-meel-gaarka ah u diiwaan-gashan. Munaasabada shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey xisbiyada cusub ayaa ka dhacday xarrunta dhexe ee GMDQ ee Magaalada Muqdisho maanta oo taariikhdu tahay 7/10/2020.

Xisbiyada la diiwaan-geliyey ayaa kala ah:

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
  1. Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda.
  2. Xisbiga Qaransoor
  3. Xisbiga Cadaaladda iyo Dib U heshiisiinta
  4. Xisbiga Jamhuuriga Soomaliyeed
  5. Xisbiga Cagaaran ee Soomaaliyeed
  6. Xisbiga Nabadda iyo Midnimada

Maxamed Maxamuud Xasan Sandheere oo ah Agaasimaha xafiiska Diiwaan-geliyaha xisbiyada ayaa furitaankii xaflada hadal kooban ka jeediyey isaga oo soo dhaweeyey dhamaan xisbiyada cusub oo ku soo biiray xayndaabka siyaasadda ee doonaya in ay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhici doona, waxaa uuna ku wargeliyey in shahaadada ay hadda qaadanayaan ay tahay ku-meel-gaar, balse ay xisbiyadu kaga qeyb-geli karaan oo kaliya doorashooyinka shahaadada rasmiga ah, sidaas daraadeed ay kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sidii ay u noqon lahaayeen xisbiyo rasmi ah oo qaata shahaadada rasmiga ah, isaga oo si faahfaahsan ugu sharaxay waxyaabaha looga baahan yahay in ay la yimaadaan si ay ku noqdaan Xisbiya rasmi ah.

waxaa kale oo uu aad ugu adkeeyey in laga wada shaqeeyo siddi dalka doorashooyin dimuqraadi ah looga hirgelin lahaa.

Dinaca kale Xisbiyada oo ay gudoomiyeyaashoodu ka hadleen munaasabada ayaa ka mahad-celiyey sidii hufneyd ee uu GMDQ ula shaqeeyey intii ay ku guda jireen diyaarinta hawlaha is-diiwaan-gelinta maanta u qabsoontay. mid ka mid ah gudoomiyeyaashii goobta ka hadlay ayaa yiri ‘’aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta aan ka mid noqono xisbiyada sida ku-meel-gaarka ah uga diiwaan-gashan dalka, waxaana dooneynaa in dalku ka baxo nidaamka wax qeybsiga beelaha una gudubno nidaam dimuquraadi ah oo xisbiyo badan leh’’.

Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha GMDQ Marwo Xaliima Ismacil Ibrahim oo sheegtay in xisbiyadu yihiin habka lagu tartamo siyaasada, ayna lagama maarmaan tahay in xisbi kasta uu furto xaafiiskiisa, xiriir joogta ahna la yeesho Xaafiiska Diiwaan-gelinta xisbiyada ee GMDQ. waxaa ayna kula dardaarantay in ay akhriyaan ayna ilaaliyaan sharciga xisbiyada dalka.

 

 

 

 

 

 

Tags: Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo shahaadooyin ku-meel gaar ah guddoonsiiyey Xisbiyo cusub.
Previous Post

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Safirada dalalka Nordic u jooga Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Lafta gareen oo Xafiiskiisa ku qaabilay Sii hayaha wasiiru-dowlaha Wasaaradda waxbarashada XFS+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Lafta gareen oo Xafiiskiisa ku qaabilay Sii hayaha wasiiru-dowlaha Wasaaradda waxbarashada XFS+Sawirro

Madaxweyne Lafta gareen oo Xafiiskiisa ku qaabilay Sii hayaha wasiiru-dowlaha Wasaaradda waxbarashada XFS+Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In