Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Matabaan, Gobolka Hiiraan gaarsiiyey qalabka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si halkaasi looga daah-furo diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee guddigu ku dardargelinayo hannaanka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee degmooyinka ka dhiman gobollada dalka, si loo xaqiijiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee ka qaybgalka doorashooyinka.











